Hangoolnews.com
Dablay Afduubatay Gaadhigii Ambalaaska Degmada Xiis
August 24, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews: Koox dablay ayaa  af duubtay gaadhi Ambalaas ah oo ka mid ah kuwa u adeega xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaaladda Ceergaabo.

Si dhab ah looma garanayo cida ay yihiin dadka afduubka geystay, hasayeeshee sawirro la soo dhigay baraha bulshadda ayaa lagu faafiyay muuqaalka ragga Afduubka ka danbeeyay iyo baabuurkii ay la baxsadeen.

Tuhunno ka dhashay cidda ay yihiin dadka afduubka geystay ayaa durba ku xidhiidhiyay in ay yihiin kooxda Fallaagada ah ee uu hogaamiyo Kornayl Caarre oo ka goostay Somaliland.

Korneelka oo ka mid ahaan jiray saraakiisha ugu saraysa ciidamada qaranka Somaliland ee dhinaca deegaanada bariga ayaa in dhaweydba ku sugnaa xadka u dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland, waxaana markii ugu danbaysay ee uu warbaahinta la hadlay uu cadeeyay in uu dagaal ku jiro xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hore ayaa waxa ay kooxdaasi afduub ugu geysteen baabuur ay lahaayeen baanka magaaladda Ceergaabo, kaas oo sidii lagu waayay, gacanta u galay Jabhadda uu hogaaminayo Kornayl Caarre.

COMMENTS
Latest News