Hangoolnews.com
Carruur Ku Dhimatay Weerar Xagga Cirka Ah Oo Ka Dhacay Kaam Barakacayaal Oo Ku Yaalla Dalka Yemen
August 24, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews: Duqeymo xagga cirka ah oo xulafada Sucuudigu ay ka geysteen dalka Yemen ayaa waxa ku dhintay ku dhawaad 30 ruux oo shacab ah una badan Carruur.

Telefishanka ku hadla afka kooxda Xuutiyiinta ayaa waxa uu sheegay in duqeymo arxan darro ah oo xulafada Sucuudigu soo qaadeen ay ku dhinteen 22 Carruur ah iyo 4 dumar ah kuwaasi oo ku jiray Kaamka Barakacayaasha ee layidhaahdo Ad Durayhimi, kaasi oo 20km u jira magaalo xeebeedda badda Cas ku taalla ee Xudaydah.

Xulafada ay hogaamiyaan waddamada Sucuudiga iyo Imaaraatku ayaa sheegtay in aanay iyagu ka dambayn weerarkaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo Labo usbuuc kaliya laga joogo kolkii 40 carruur ah ay ku dhinteen Magaalada Xudaydah ee Yemen kadib markii xulafada Sucuudigu weerar xagga cirka ah la beegsadeen Bas ay saarnaayeen Carruur yar yar oo Iskuul ku sii socotay.

COMMENTS
Latest News