Hangoolnews.com
Tirada Xujay Soomaaliyeed Oo Ku Geeriyooday Xajka Iyo Magacyadooda
August 23, 2018 - Written by Hangool News 1

Waxaa gudashadii xajka ee sannadkan ku geeriyooda alle ha u naxariistee inta la ogyahay laba xujay oo Soomaali ah halka tiro kale ay dhaawacantay kadib markii shalay ay isbuurasho ka dhacday Magaalada Mina.

Labada Xaaji ee Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday ayaa waxa magacyadooda lagu sheegay Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xaaji Axmed Saalax, kuwaasi oo ku sugnaa Magaalada Mina oo u jirta Magaalada Barakaysan ee Maka 5km.

Saraakiisha ammaanka Sucuudiga ayaa waxa ay sheegeen in meydadka labadan xaaji ay ku sii jiri doonaan tallaagadaha ama qaboojiyaha lagu keydiyo meydadka inta uu ka dhammaanayo gudashada waajibaadka Xajku.

Inta badan waxaa sannad walba ku dhinta gudashada waajibaadka xajka xujaaj tiro badan kuwaasi oo inta badan ka dhasha cidhiidhiga xujuujta taasi oo keenta isbuurasho ay dad badani ku nafwaayaan.

COMMENTS
Latest News