Hangoolnews.com
Kooxo Hubeysan Oo Wiilal Walaalo Ah Ku Dilay Gobolka Banaadir
August 23, 2018 - Written by Hangool News 1

Alle ha u naxariistee waxaa xalay lagu dilay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir labo wiil oo walaalo ah kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka Kaamka Badbaado ee degmadaasi.

Weerarkan oo ahaa dilal qorshaysan ayaa waxa la sheegay in ay ka dambeeyee dabley hubeysan kuwaasi oo islamarkiiba isaga baxsaday goobta dilalka ay ka geysteen.

Labadan wiil ee la dilay ayaa mid ka mid ah waxa uu ka tirsanaa ciidamada Militariga Soomaaliya halka la sheegay in ka kale uu ka mid ahaa dadka deegaanka sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa gaadhay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya kuwaasi oo baadhitaano ka sameeyay halkaasi balse aan waxba ka keenin.

Illaa iyo hadda ma jirto cid ka tirsan maamulka degmada Dharkeynley oo war kasoo saartay dilalkaasi lagula kacay labada wiil ee walaalaha ah.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa magaalada Muqdisho ka socday weerarro amni darro oo u badan dilal qorshaysan kuwaasi oo lagula kacay Askar ka tirsan ciidamada qaranka Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News