Hangoolnews.com
Tuugtii Tuugada
August 20, 2018 - Written by Hangool News 1

waa koox isku xidhan oo u eeg koox,qowlaysatadaa oo ,marka gacanta lagu dhigan  meel badan ka soo gala xukumadaha oo doono in kiiskoodaa la danbabaso ,taasina  waa ta manta aynu arago .waa koox udhisan reernimo amab is qaraabaysi , iyagoo ku duulaya kuna guuraya hadaba xukumadaha jira, waa kooxo dowlad kunoola oo aan dan kagalin maxaa xalaala maxaase xaraan ah, waa kooxo aan  rumaysnayn in xoolahan ay boobayaan  mowdku ka heli doona oomaalin maalmaha ka mid aha naxashka lagu qaadi doono.

Hadaba manta  ,aafada musuqa  ninka garab istaagay waa nin tuug kal kalkaal aha , oo eegayn howsha ay qabteen gudida ilaalinta

hantida qaranka, waa nin qaatay laaluush si uu kiiskaas iyo gudoomiye naasir waxiisa waxba kama jiraan ka soo qaado oo uu u tuso umada in arinku khaldan yahay,

Arinku waxa uu u eegyahay tuugtii tuuga, oo musuqii lagu qabatay u soo maray gudoomiyaha golaha wakiilada ,hadaba baashe ma kamid baa mise iminkaa la sadheeyey, mise hore ayuu uga tirsanaa.

Waa arin layaableh, in guushii gudida ilaalinta hantida maatida guulahoodii laga daba dhawaaqo, hadab baashe waxaa laga rabaa, ma ogayd in gudidani howalahan uga wakiil yahiin golaha wakiilada ,mise bedelaadii  ciro ,laguma kala sheegiba gudiyada jira, waad iska hadashay uun , ul laguu soo dhiibay uun baad kula dul kuftay naasir cali shire .

Waa wax lala yaabo ,in gudoomiye gole barlamaan  uu taageero musuqmaasuq wayna cadayhay in uu boobka hantida maatida aad ka raali tahay, hadaba waxaan   kuwan naasir golaha kula jiraa iyaguna ma musuqmaasuqbaa ,ilayn iyagaa warbixinta loo akhriyee maxaa ay baashe talaabo uga qaadi waayeen ,waayo ,baashe wuu xadgudbay xadkii golahana wuu ka baxay, sidaas darted waa in si degdega xilka looga xayuubiyaa, bulshaduna waa in ay ka dereen celiyaan ,markii musuqii gacanta lagu soo dhigay in hayadii labaad ee dalka  gudoomiyahoodii taageero musuqii dalka kal dhacay,

Gabogabadii

Waa in baashe si dhakhso ah gudoomiyenomada golaha wakiilada looga xayuubiyaa, arinkaana golaha gudahiisu  waa in ay ( mation) ka keenaa  oo waliba loo dadbadsadaa , hadalka baashe wax uu dulmi ku yahay kuwa ee laascaanood  iyo horumarkooda,iyo masaakiinta aan  halkii wax loo qaban lahaa waxoogii iyo dhulkoodii la boobay,

Waa in la waydiiyaa maxuu diidmada warbixinta u cugsanayaa ,ma warbixinkale ayuu haystaa ,

Hadii taasi dhiciwaydana waa in uu raaligalin golaha ka siiyo.iyo umada Somaliland .

By : khaddar adam aw muuse

mixile190@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News