Hangoolnews.com
Akhri:- Xubnaha Golaha Wasiiradda Muuse Biixi Ee Isku Shaandhaynta Ka Hadhaya Ku Jooga Raali-Galinta Shaqsiyaad Gaara Iyo Kuwa Ay Yihiin
August 18, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biix Cabdi ayaa la filayaa in uu sameeyo isku shaandhayn ka dib markii saluug badan laga muujiyay Xukumaddiisa,

Haddaba qaarka tirsan golaha wasiiradda xukumaddiisa ayaa waxaa ay ku joogaan raali-galinta shaqsiyaad kala duwan waxaana dadka siyaasadda Biixi la socdaa ay sheegayaan in ay adag-tahay in Madaxwaynahu go,aan ka qaato badalka wasiiraddaasi oo ay ka mid yihiin wasiiro ay keeneen Garaad-do, Ugaas, Beel, Saaxiibtinimo iyo maalqabeeno ka mid ah Somaliland waxaana ka mid ah wasiiradda la filayo in aanay isku shaandhaynta raacin ee ku jooga raali-galinta shaqsiyaad gaara kuwan:-

1:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin ayaa kuriga ugu fadhiya raali-galin saaxiibtinimo oo la dhaafsaday dantii qaranka

2:- Wasiirka Cadaaladda Eng Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa waxaa Madaxwaynaha u keenay Ugaaska Beesha Ciise waxaana lagu illaalinayaa Isaga

3:- Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Ciise Xawar ayaa waxaa keenay Garaadka Warsangali waxaanu ka mid ahaa qurbo-jooga Somaliland diidka ah belse mar haddii Garaadku wato isga ayaa la lagu illaalinayaa

4:- Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye waxaa uu ku joogaa tallo Reer lama ogala in uu baneeyo Booskaasi si uu u fududeeyo howlaha kaga xidhma reerkooda inta badana waxa laysku dayaa in uu hello awoodd wasiir

5:- Wasiirka Diinta Sheekh Khaliil Cabdilaahi waxaa lagu illaaliyaa Culimada waddanka ee xukumadda ku xidhan oo intooda badan saaxiibo dhaw yihiin qaarkoodna ganacsi ka dhaxeeyo halka dadka qaar aaminsan yihiin in aanay Culimada ay ku malcaamada yihiin “Kooxda” aanay ogolayn in ay cid kale timaado waana ka keenay in qaar badani Muuse ku qanciyaan in uu isku hayo Culilmada dalka si danahoodu u fullo

6:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shirre waxaa uu ku joogaa in uu saaxiib hoose la ahaa Muuse Biix wakhtigii xukumaddii hore xogtana uu siin jiray, halka geesta kale shirkadda D.P world dalbatay in aan la badalin wasiirkan inta danaheeda siyaasiga ahi dhamaanayaa waana ta keentay in shir jaraa,id kasta oo wasiirku qabanayo xataa haddaanay khusayn shirkadda D.P world uu ku difaaco.

Madaxwayne Biixi ayaa mar uu la hadlayay golahiisa wasiiradda wakhti siminaar loo furay u sheegay shacabka in aanay jirin wasiir ciddi u keentay

La soco wasiiradda iyo Agaasimayaasha danaha gaara ku jooga iyo kuwa ay yihiin

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News