Hangoolnews.com
Kenya Oo Sheegtay In Haween Ka Baxay Al-shabaab Ay Isku Qarinayaan Malindi
August 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Dawladda Kenya ayaa sheegtay in dhallinyaro afar Haween ah oo ka baxay Al-shabaab ay isku qarinayaan degaanka Malindi ee dalka Kenya.

Kenya waxaa ay sheegtay in Haweenkaas sanad ka hor ay ka gudbeen sohdinta Soomaaliya islamarkaana loo sheegay in dalalka Yemen iyo Sucuudiga loo sii gudbinayo si ay uga shaqeystaan hayeeshee Al-shabaab loo gacan geliyay.

Laamaha amaanka ayaa sheegaya in Haweenka ay isu qarinayaan iyaga oo ka baqaya Ciidamada la dagaallanka Argagixisada Kenya oo gabood fal u geysta.

Isu duwaha amniga Gobolka Xeebta ah ee Dalka Kenya Bernard Leparmarai,ayaa sheegay in ay  muhiim tahay in Haweenkaas aysan is qarin islamarkaana isu dhiibaan hay’daha amaanka ee dalka Kenya.

Dadka ka laabta Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay qatar dhinaca amniga ah kala kulmaan Al-shabaab,waxaana Bishii May dhacday in labo qof oo ka baxay AL-shabaab la weeraray lana dilay.

Mid ka mid ah waxaa uu ka baxay maxkamad kiiskiisa lagu dhegeysanayay markii ay sii socdeen ayaana jidka loo galay degaanka Kwale ee dalka Kenya sida uu sheegay Bernard Leparmarai.

Bernard Leparmarai,ayaa ku baaqay in dadka ka laabanaya Al-shabaab ay geesinimo muujiyaan iskuna dhiibaan hay’adaha amaanka halkaas oo ay ka heli doonaan dhaqan celin iyo nolol ka wanaagsan midda ay ka baxsadeen sida uu hadalka u dhigay.

COMMENTS
Latest News