Hangoolnews.com
Jubbaland Oo Masaafurinaysa Saraakiil Ciidan
August 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Shalay galinkii dambe waxaa garoonka diyaaraddaha ee magaalada Kismaayo lagu xidhay taliyaal dawlada Soomaaliya ay ku soo magacaawday maamulka deeganada Jubbaland.

Jubbaland ayaa xidhay Cali Mire Ducaale oo ah taliyaha nabadsugida oo dawlada Soomaaliya u magaacwday Jubbaland iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Ibraahim.

Jubbaland ayaa sheegtay in magacaabista saraakiishaasi aan lagala tashan iyada oo ku xidhay xabsiga Garoonka Kismaayo.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay dib ugu soo cilin doonaan saraakiishaan magaalada Muqdisho.

13-kii July ee isla sannadkaan ayeey ahayd markii Jubbaland ay garoonka Kismaayo ka cilisay taliyihii Guutada 43-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News