Hangoolnews.com
Nin Oromo Ah Oo Lagu Dilay Boosaaso
August 14, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boosaso ayaa sheegaya in xalay nin Oromo ah lagu dilay Magaalada Boosaaso.

Ninkaas waxaa dilay nin kale oo u dhashay isla qowmiyadda Oromada, waxaana sababta lagu sheegay muran iyaga dhexmaray.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda magaalo cad ee magaalada Boosaaso oo ay ku badanyihiin dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada – sida ay ku warrantay idaacadda Mustaqbal oonu soo xiganayno.

Ciidanka amaanka magaalada Boosaaso ayaa xabsiga dhigay ninka dilka geystay, waxaana Boolisku sheegeen in ay baadhitaan ku sameynayaan sababta uu u dilay ninkaas.

Dadka degaanka ayaa sheegay in labada nin ee is dishay ay muddo saaxiib ahaayeen islamarkaana degganaayeen hal guri.

COMMENTS
Latest News