Hangoolnews.com
Akhri:- Qaar Ka Mid Ah Qodobo Waxyeelayn Kara Nabad Galyada Oo Reer Gabilay Ay  Hor Dhigeen Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi 
August 10, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan uu la qaatay waxgaradka Gabilay ka dib markii uu ka soo guryo noqday qalin jabinta Jamacada Camuud oo uu ka qayb galay ayaa waxaa ay reer gabilay u soo bandhigeen qodobo qaarkood nabad galyada wax yeelo u gaysan kara iyo qaar kale oo ay kaga dalbanayaan sad-bursiinnmo.

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa intii uu joogay Dagmadan Gabilay waxaa la soo hordhigay qodobo ay ka mid yihiin in:-

  • In la sii daayo dadkii ku eedaysnaa gawraca dilkii ka dhacay Deegaanka Seemaal oo u dhaxaysa Degmada Dilla Gabilay.
  • In inta uu Muuse Madaxwaynaha yahay Golaha laga ansixiyo Gobolnimada Gabilay
  • In Taawarada isgaadhsiinta ee muranka badan dhaliyay kuna yaal Wajaale laga raro ama la fijo iyadoo qaab reereed meesha looga saarayo.
  • In Xukumadda sadbursiin laga siiyo Degmada uu ka soo jeedo Biixi, Ciidamadana inta uu joogo waxii Degmadaasi ka so jeeda darajada loo kordhiyo.
  • In dhamaan kaabayaasha Bulshada kaalinta koobaad la siiyo Gabilay.

Qodobadan iyo kuwo kale ayaa la hordhigay mudane Biixi waxaana la eegayaa sidda uu ka yeelo wallow ay waxyeelo badani ka dhalin karto qaarkood haddii uu fuliyo oo beelo isku haystaan, hore xalinteedu muddo dheer qaatay,

Geesta kale waxaa jira warar iyo xogo hoose oo Hangoolnews u xaqiijiyay in Madaxwaynaha la xasuusiyay Heshiisyo ay galeen wakhtigii Ololaha kaas oo ahaa in uu marka uu madaxwayne noqodo dhamaystiro.

Hangoolnews.Com

COMMENTS
Latest News