Hangoolnews.com
Nuxurka Kulan Magaalada Nairobi Ku Dhex-Maray Faysal Cali Waraabe Iyo Halgamaa Qalbi-Dhagax
August 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Magaalada Nairobi waxa kulan gaar ah ku yeeshay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah jabhadda ONLF. Kullankani ayaa la sheegay in Faysal iyo Qalbi-dhagax in ay arrimo badan kaga wada hadleen.

Sawirraan lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Faysal Cali Waraabe iyo Qalbi-dhagax oo sawir ku wada jira.

Image may contain: 2 people, people standing

Faahfaahin dheeriya lagama helin arrimaha ay ka wada hadleen Faysal iyo Qalbi-dhagax.

Waxa xusid mudan in guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland Ucid Eng. Fayasal Cali Waraabe uu bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay in Hargeysa lagu casuumi doono Cabdikariim Qalbi-dhagax oo dhawaan laga soo dayay xabsi guri ku yaala Itoobiya kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya iyada oo ku eeday argagixiso iyo in aanu ahayn nin dhallasho Soomaali ah sitta.

COMMENTS
Latest News