Hangoolnews.com
Australia: Abaartii Ugu Darneyd Oo Ku Dhufatay Gobolada Qaar
August 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- New South Wales oo ah gobolka ugu dadka badan Australia ayaa lagu soo warramaya in ay ku dhufatay abaartii ugu darnayd sida ay baahiyeen saraakiil ka tirsan dawlada, Abaartaan ayaa la sheegay in ay horseeday roob la’aan dheer oo gobolkaan ka jirtay, inta la xasuusan yahayna waa abaartii ugu xumayd ee ku dhufata gobolada bariga Australia.

430 milyan ayay bixiyeeen maamulka gobolkaas iyo dawlada federaalka oo si kaashanaya si loogu adeegsado fidinta gurmadyo degdeg ah, New South Wales ayaa ka mid ah gobolada ugu wax soo saarka badan xaga beeraha guud ahaan dalka Australia, arbacadii lasoo dhaafay ayaan lagu dhawaaqay in abaar baahsan ay ka jirto gobolka.

COMMENTS
Latest News