Hangoolnews.com
Madaxweyne Cabdi Iley Oo Is-casilay Iyo Magaca Madaxweyne Cusub Oo Loo Doortay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya
August 6, 2018 - Written by Hangool News 1

Wararka naga soo gaadhaya Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyaa ayaa sheegaya in uu xilkii iska casilay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana fadhi ay isugu yimaadeen Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u Magcaabay Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Axmed Cabdi Maxamed.

Arrintan ayaa ka danbaysay ka dib markii Xukuumada Federaalka Itoobiya ay culays xoog leh ku saartay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar in uu xilkaasi ka dego.

Wariye Barkhadladiif Maxamed Cumar la xidhiidhay sar ku sugan magaalada Jigjiga ayaa waxa uu sheegay in la qabtay Madaxweynihii dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

COMMENTS
Latest News