Hangoolnews.com
Yaa Balaga U Lulaya Duminta Waxbarashada Somaliland ? Qalinkii Samatar Abdilahi
August 3, 2018 - Written by Hangool News 1

Qaylada iyo dhawaaqa ka baxaya bahda waxbarashada somaliland maaha mid la yaraysan karo waana mid u baahan in loo dhug yeesho  noloshii , mustaqbalkii , horumarkii umada ayaa shaqsiyaad gaari balag u lulanayaan tana maaha mid ugub ah balse waa mid aynu hadh iyo habeen aragno .

Ilaahay ayaa aqoonta iyo  faaidadeeda kaga hadlay quraankiisa kariimka ah nebiguna (NNKH)Dhaldhalaalka iyo hoosiiska beenta ah ee la tusayo hogaankii umadu waa mid aasaysa malaayiin qof noloshooda .

Waxa uu in badan ka hadlay aqoonta iyo ilaalinteeda waana waxyaabaha uu aad inoo gula darraarmay  iyadoo axadiis badani ku soo aroortay hadaba

iyadoo sidaas tahay waxay ilaahay nebigiisuna diideen in been laga sheego ayaa imika ashkhaas gaari shaqo ka dhigteen habaabinta waxbarashadii somaliland taas oo ay ku tunteen hilinkii loo mari lahaa dhisida siyaasad shaqaysa oo lagu hago inta waxbaraysa iyo inta la barayo  taas oo lays odhan karo waxay la doonayaan in jahligu awoodiisa sii fidsado jahwareerna ku dhaco umada  .

Hadaba waxaad qoraalkan kaga dhugan doontaan dhamaan weydiimahan

Yaa balagan lulanaya ? se maxay tahay faiidada ay ka helayaan ?

Macaash intee leeg ayaa laga helaa ka baacmushtaraynta aqoonta beenta ? cida ku shuraakada ah baabintan aqoonta iyo cilmiga  danaha ay ka leeyihiin ?

Maxaa sababay in dugsiyada dawladu loo kala garan waayo goob xashiish iyo dugsi wax lagu barto iyo dacaytir la,aanta dugsiyadan ?

Halkay martaa mashariicda iyo miisaaniyada loo qoondeeyay horumarinta waxbarashada somaliland ?

Hadaba suaalahan iyo kuwo kale oo badan waxaan kaga jawaabi doonaa maqaalkan  .

Aduunyada inta horumartay waa intii heshay waxbarasho horumarsan ayna horumariyeen aqoonyahankooda oo u hagar baxay waana ta sababtay in horumar gaadhaan iyadoo muhiimada kowaad ay saran bulshooyinkaa horumaray akhriska qoraalka hadaba somaliland iska daa in la horumariyee intii jirtay ayay baabinayayaan cidii loo igmaday hadaba dhaqaaqan iyo fariintan waxaan toos ugu dirayaa madaxweynaha somaliland kaas oo ah cida kelaya ee wax qaban karta ogahayna in aanu hagranayn balse laga qarinayo oo intijaaha laga luminayo hadh iyo hosiis beena lagu sabayo lakiin waxaan ku qanacsanahay kalsoonida iyo hal adayga madaxweyne muuse oo aan laga baran habrasho iyo danaynta shaqsi .

Wasaarada waxbarashada oo ku jirta wasaaradaha ugu baaxada weyne leh kana mid ah wasaaradaha muhiimada weyn ugu fadhiya qaranka ayaa guud ahaanba shaqadeedii la curyaaminayo  si loo dhaawaco horumarka xukumada madaxweyne muuse biixi uu doonayo in uu ku talaabsado .

Hadaba kooxdan isku xidhan ayaa qorshahooda kowaad yahay iska hor keenka xukumada iyo shacabka iyagoo dhex marinaya ardayda oo ah awooda koowaad ee qaran leeyahay si kale hadaan u dhignana ah awooda dhalinyaro iyo xooga cusub ee ahayd in wadankan dhiso lakiin  cadow looga dhigayo qarankan .

Dhalinyaro xoog ka xoog weyn wax kasta caabigooduna adag yahay waanad ka war haysaan awooday leedahay oo waxa tusaale idinku filan dawladii xooga lahayd ee dumiyeen dhalinyaro cida koowaad ee maxamed siyaad bare kacdoonada ku bilowdayna ahayd ( UFFO) oo dhalinyaro ciyaal iskuul ah ahayn taasay dhagax kala hor tageen dawlad dunidu ka baqaan waana ta keentay ee dhashay dagaalkii hubaysnaa ee akhirkii lagu caraabiiyay dawladii xooga lahayd ee aduunku iska eegi jiray  mudane madaxweyne adigoo ka war haya awooda intaa leeg iyo xooga intaa leeg oo fadhiya la kicinayo ma filayo inay kaa qarsoontay oo waxaad tahay hogaamiye soo jeeda una feejigan qaranka taas waa sababta luguugu doortay madaxweyne shacabkuna kuu door bideen ilaa imikana kugu raacsan yahay balse waxa weli gudaha kugi jira cadowgaaga intii badnayd kuwaas oo sida jiirka u rifaya hadafkaaga hogaamineed aad lahayd kuwana waa ku kow ka ah curyaaminta habsami u socodka shaqo wasaarad kasta balse imika waxa aan ku bilaabayaa kooxda koowaad aanan u arkay kuwa gu khatarta badan waana kuwa ku jira gudaha caqliyada inta soo koraysa ku tumanaysa maskaxdooda .

Tan iyo intii somaliland ku soo jirtay halganka dib u dhis waxay ku jireen nidaamkuna dib u dhis ee dhinac walba leh taas ayayna ka qayb ahayd hanaanka wax barasho ee somaliland taas oo lays odhan karo xawli ayay ku koraysay balse mudooyinkii dhexe ayaa laaxin la geliyay oo shaqsiyado dano leh geliyeen kuwaas oo is garabsanaya oo dano kala boobaya shaqsiyaadka wax aka kow ah inta maamulka u haysa ama loo igmaday shaqada wasaarada horumarinta waxbarashada balse iska daa horumarine dib u socod ku haya hadaba waxaan dulucda ujeedadu tahay jahwareerkan ku dhacay waxbarashada somaliland oo ay hormood u yihiin ashkhaastaa danaha dhaqaale leh .

Sanad kasta waxay haayadaha caalimiga ugu deeqaan somaliland intaas oo milyan oo dollor oo waxbarashada lagu horumariyo weliba ta dawliga ah balse cid gaara ayay jeebka ugu dhacdaa iska daa in lagu horumariyee xataa xashiishka lagama guro indhihiina idin macalin ah oo waad booqon kartaan iskuulada dawlada waanad arki kartaan waxaan sheegayo tayada ardaydana way ka muuqataa oo dugsiyada dawladu waa kuwa ay dhigtaan inta wax awoodi weydaa sacado yar oo kooban la dhigto wasaaradu xisaabtan lama samayso oo haday la xisaabtan yimaado walaga arki lahaa .

Ta kale waxa weeye dawladu waxay u qorshaysaa sanad kastaa lacag cadadkeedu badan yahay waxbarashada loogu talagalay horumarinteeda  taas halkay marto laysma weydiiyo taasna waata wareentay habsami u socodka waxbarashada dugsiyada dawlada .

Ta kale soo hadhay waxa weeye dugsiyada gaarka loo leeyahay oo aan miisaniyad mashariic la siiyo iska daaye aan macal siyaasad wanaagsan aan ka helin wasaaradu oo ay ku shaqeeyaan lakiin iyagu is wada ahna awooda kowaad dhistay waxbarashada somaliland oo hadayna iyagu gurman lahayn aanay jirteen waxbarashada somaliland hadaba waxa ku dhacday in dugsiyadan gaar loo leeyahay gacanta ku hayaan arday badan oo malayiin ah wasaaradu awaamiir aan u qalmin lagu soo rogay taas oo markii horeba wasaarada ka baryayeen in ay keliya la shaqayso weliba rabitaanku dhankooda ka yimi hadaba arintan oo u eeg kicin iyo iska hor keen cid gaara ka shaqaysay ayaa hadaan laga gurman aan hadhaw la damin Karin cawaaqib xumana ka iman karta siday iyaguba hore u sheegeen .

Hadaba fariintan ayaa si toosa ugu dalbanayaan in madaxweynuhu u dhug yeesho arintooda iskana ilaaliyo dibin daabyooyinka laga shaqaynayo cida loo gol leeyahana tahay madaxweynaha isuguna majaraha hayo sidoo kale waxay ku dareen dugsiyadunu inayna diidanayn amarka xukumada ay diidan yihiin sida shaqada loo wado oo aan ahayn mid ku dhisan hab cilmi ah marka talo la gaadhayna waa wada tashi laga sameeyaa  cabasho weyn ka muujiyeen tana waa ta kaliftay qoraalka maqaalka oo toos ugu socda madaxweynaha oo isaga khusayso .

 

 

COMMENTS
Latest News