Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah: Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle
August 1, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- War  deg deg ah oo hadda naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dhacay goor dhaweyd qarax sababay dhimasho iyo dhaawac kala duwan.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaadhi gaar ahaan nooca loo yaqaanno Nohada sida ay ku warramayaan weriyayaal ku sugan magaaladaasi. Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha guddaha magaalada Khaatumo  Ahmed Maxamuud Doolaal ayaa la sheegay in uu qaraxani ku geeriyooday halka mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa xukuumaddiihii hore ee Soomaaliya ay wax ku noqdeen iyaguna.

Ugu danbeyntiina qaraxan caawa ka dhacay magaalada Buuhoodle ayaan jirin cid sheegataya mas’uuliyadiisa.

Waa markii ugu horeysay ee qarax noocan ah ka dhaco magaalada Buuhoodle.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha qaraxani kala soco halkan goor dhow 

COMMENTS
Latest News