Hangoolnews.com
Eeyad Madaxeeda La Duldhigay 70 Kun Oo Doolar!
July 27, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Booliska gobolka Uraba ee gudaha dalka Colombia ayaa mid ka mid ah eyda mukhaadaraadka baadha  geeyay meel ka baxsan gobolka si loo badbaadiyo, kadib markii budhcadda ugu weyn ee daroogada dhoofisaa ay madaxeeda dhul dhigtay abaalmarin maaliyaddeed oo qofkii dilaa uu helayo.

Sida ay qortay Fox News, budhcaddan oo layidhaahdo “Urabenos” ayaa dhirbaaxo adag kala kulantay eyaddan la yidhaahdo Sombra oo soo saartay meel ay burcaddu ku qarsdeen 10-kun oo tan oo Cocaine ah.

Sombra markii ay qabatay mukhaadaraadka, ayaa burcaddu waxay ku dhawaaqeen in ay bixinayaan 70-kun oo dolar oo la siinayo qofkii soo dila.

Eyga Sombra ayaa loo qaaday airport caalamiga ah ee magaalada Bogota, caasimadda Colombia, waana halka la aaminsan yahay in ay ku nabadgaleyso, waxaana la socday xilligaa tiro boolis ah si ay u badbaadiyaan haddii weerar lama filaan ah ay la kulanto.

Waxaa xusid mudan, in tani aanay ahayn markii ugu horreysay ee burcaddu ay lacag ku bixiso si ay uga takhaluusaan cadowgooda, sanandkii 2012 ayaa 500 dolar ay dul dhigeen madaxa qof booliska ka tirsan.

Source: Fox News 

 

COMMENTS
Latest News