Hangoolnews.com
Akhri:- Cisbitaalkii  Qaaxada (T.B) Ee Hargaysa Oo Qarka U Saaran In Uu Xidhmo Xilli Wasiirka Caafimaadku Wali aanu Booqan
July 27, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:-  Cisbitaalka Qaaxada (T.B)  Hargaysa ayaa qarka u saaran in albaabada loo laabo ka dib markii shaqaalaha ka howl-gala halkaasi aan la siinin wax mushahar ah muddo Todobo bilood.

Cisbitaalkan Qaaxada ayaa waxaa uu ku yaalaa meel aan ka ogayn aqalka looga arrimiyo Somaliland waa na goobta kaliya ee lagu dabiibo dadka qaaxadu ku dhaco ee ku sugan Gobolka Maroodi-jeex.

Dhinaca kale waxaa intaasi dheer oo hurseedi kara in uu xidho Cisbitaalkani hayadahii caawan jiray oo meesha ka baxay, waxaana shaqaalahan todobada bilood aan musharka qaadan lacagta siin jiray Hayaddaasi,

Geesta kale wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa wali muddadaasi uu xilka hayay tagin Cisbitaalkan oo aan ka war helin xaalku uu ku sugan yahay marka laga reebo warbixinta ay siiyaan masuuliyiinta maamusho halkaasi,

Dhibaatooyinka shaqo ee kale ee cisbitaalka Qaaxada ka taagan ayaa ah in aanay xataa shaqaalahu helin qalabka afka la gashado ee laga xidhanayo Bakteeriyada iyo in ay xanuunku gaadho hawl-wadeenada.

Cisbitaalkan ayaa waxaa uu noqonayaa haddii uu xidhmo cisbitaalkii ugu horeeyay ee xidhma intii ay jirtay Xukumadda Muuse Biixi.

Masuuliyiinta kala duwan ee arrintani khusayso oo Hangoolnews isku dayay in uu wax ka waydiiyo ayaa mobile-ladoodu xidhnaayeen

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News