Hangoolnews.com
Nin isagoo toddobo bax ku jira ku dhintay dabka Giriigga
July 26, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangooolnews:- Nin mar dhaw guursaday oo reer Ireland ah ayaa dhintay ka dib markii uu qabsaday dabkii ka kacay kaymaha ku yaalla Giriigga.

Brian O’Callaghan-Westropp oo toddobada kula jiray xaaskiisa Zoe Holohan ayaa kala lumay iyaga oo isku dayaya in ay ka baxsadaan dabka qabsaday goobta loo tamashle tago ee Mato oo badda qarkeeda saaran.

War qoraal ah oo ay saareen labada qoys ayay ku sheegeen “in ay aad uga naxeen” geerida ku timid.

Waxayna codsadeen in xogtooda shaqsiga la ixtiraamo inta Zoe ay ka soo kabanayso.

Safiirka Ireland u fadhiya Giriigga ayaa xaqiijiyay geerida O’Callaghan-Westropp isaga oo waraysi siinaya warbaahinta RTÉ.

“Waxaan la murugoonaynaa oo qalbiganagu la jiraa qoyskaas ku jira marxaladdam adag” ayay tiri.

In kabadan 70 ruux ayaa ku dhintay dabka ka kacay kaymaha kaas oo burburiyay tuulooyin badan oo Giriigga ku yaalla iyo iyo goobo loo tamashle tago.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ireland Simon Coveney ayaa xaqiijiyay in muwaadin reer Ireland ah isbitaal la dhigay isagoo gubtay.

Coveney wuxuu sheegay in wasaaraddu ay gacan siinayso qoyska ninkaas.

Ra’iisulwasaaraha Giriigga Alexis Tsipras ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroodiiq ah, halka Talyaaniga, Jarmanka, Poland iyo Faransiiskuna ay ka soo direen, diyaarado, gawaari, iyo shaqaale dab damis ah.

Sapain iyo Qubrus ayaa sidoo kale kaalmo fidiyay.

COMMENTS
Latest News