Hangoolnews.com
Maxkamad Ku Taalla Dalka Sudan Oo Diiday Guurka Gabadh Yar Oo 11 Jir Ah Oo Waalidkeed U Guuriyey Nin 40 Jir Ah !
July 26, 2018 - Written by Hangool News 1

Dalka Sudan ayaa waxa had iyo jeer la sheegaa in gabdhaha da’da yar waalidiintoodu u guuriyaan Rag ka waaweyn, waxaana lagu tilmaamaa damac ka yimaada dhinaca waalidka dhalay oo qiimaynaya keliya lacagta ninka ka guursada gabadhiisa uu ka helayo.

Maxkamad ku taalla Dalka Sudan ayaa waxay waxba kama jiraan ka dhigtay Guurka gabadh 11jir ah oo dhiganaysay dugsiga hoose dhexe iyo nin da’diisa lagu sheegay 40jir, waxaanay maxkamadaasi go’aamisay in gabadhaasi yar lagu wareejiyo waalidkeed kuna noqoto xaafadooda.

Qareenka u dooday gabadhaasi yar oo magaciisa la yidhaahdo Al-faatix Xuseen ayaa waxa uu yidhi, “Maxkamadu way burisay Guurkiisa sababtoo ah marka horreba lama soo marin maxkamada sidaasi awgeed guurkaasi waa waxba kama jiraan”.

Gabadhani 11jirka ah ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Raxma waxaanay maxkamad xukuntay in gacanta lagu soo dhigo ciddii isku meherisay gabadhaasi iyo ninkaa 40 jirka ah.

Haddaba, sababta keentay in arrinta gabadhani gaadho Maxkamada ayaa waxay tahay in gabadhaasi ay u dacwootay xarunta ilaalada Carruurta ee Bileyska ee (Child Protection Unit), waxaanay u gudbisay cabasho ka dhan ah arooskaasi, iyadoo sheegtay in waalidkeed raalli ka noqday sidaasina loogu meheriyey.

Raxma waxa kale oo ay ka cabbatay in ninkaasi loo guuriyey uu jidh dillo waxa aanay dacwadaasi gaadhsiiyey Maxkamada Degmada Abu Adam ee Koonfurta Khartoum.

COMMENTS
Latest News