Hangoolnews.com
Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Khilaafka Ka Taagan Arrimaha Xajka
July 13, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:– Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda  C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa faah faahin ka bixiyey halka uu marayo qorshaha sannadkaan ee xajka, taas oo khilaaf uu ka dhex jiro.

Waxa uu sheegay in Sacuudiga uu u tegay dardargelinta howlaha xajka, iyo xaqiijinta qarashii la dhimay ee dadka Soomaaliyed ay sanadkaan ku xajinayaan, xilli ay jirto khilaaf sababay in xilkiisa uu ku waayey wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Wasiir Ashkir ayaa sidoo kale sheegay iyadoo ay iskaashanayaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo shirkaddaha diyaaradaha in maalinta Axada ah ee soo socota ay gudbin doonaan jadwalka duulimaadyada xujayda, ka dibna ay bilaaban doonaan duulimaadyada dadka Soomaaliyeed ay ku tagayaan waddanka Sacuudiga si ay u soo gudtaan Acmaasha Xajka.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dada badan ay shaki gelinayeen in Sanadkaan dadka soomaaliyeed ay macquul tahay in ay ka baaqsadeen gudashada Acmasha Xajka.

COMMENTS
Latest News