|
|||||
Hangoolnews.com
Maxa Ku Jiray Faylka Madaw Ee Uu Prof Ismaaciil Hurre Buubaa Gaadhsiiyay Madaxweyne Biixi?
July 11, 2018 - Written by Hangool News 1Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu shalay xafiiskiisa ku qaabilay siyaasiga ruug cadaaga ah ee Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo ah maskaxdii ka dambeysay shirweynaha Garxajis, ahna musdambeedka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Kulankan miisaankiisa waxa laga dareemay baraha bulshada oo si weyn loogu faafiyay sawirrada Madaxweyne Biixi iyo Buubaa oo si kal iyo laab ah isu qaabilay waxaanay faalladu noqotay mid qof walba dhankiisa ula kaco wixii ay la tahay maaddaama aanay madaxtooyada iyo warbaahinteedu faahfaahin bixin marka laga reebo sawirrada iyo in ay danaha guud ku wajaheen kulanka. Kulankan oo aan xilligan la filayn waxa markiiba dhegaha ka taagay taageerayaasha xisbiga Waddani oo si saluug ah u dareen celiyay inkasta oo dad badan ku talinayo in la sugo faahfaahinta kulanka iyo in ujeedka Buubaa yahay in uu faylka ku sido natiijada shirweynihii Garxajis oo fulintiisa looga fadhiyo madaxweyne Biixi. Dadka ka sasay waxay u arkeen in dan gaar ah u socday Buubaa oo faylku yahay CV-giisa oo xil loogu cumaamadayo. Shakiga ah in Buubaa u socdo xil oo madaxweyne Biixi ka doonayo in uu Qaranka ugu adeego mansab wasiirnimo waxa sii adkeeyay siyaasi Cali Guray oo si weyn u difaaca siyaasadda Muuse una muuqda in uu saluugsan yahay siyaasiyiinta madaxweyne Muuse cugtay wuxuuna yidhi isaga oo kulanka boggiisa Facebook kaga faalloonaya. Dadka qaar ayaa aamminsan in madaxweyne Biixi uga baahday Prof Buubaa talooyin ku saabsan siyaasadda gobolka isbedelladu ka socdaan laakiin, waxa is waydiin mudan sababta muhiimadda loogu yeelay kulanku haddii uu gaar ahaa ee saxaafadda loo galiyay. In saxaafadda la galiyay kulanka waxay u muuqata in ay dan weyni ugu jirto madaxweyne Biixi marka loo eego sida madaxtooyada iyo warbaahintu u tabisay iyo waliba dadka madaxtooyada ka ag dhaw.
COMMENTS
|
Latest News
|