Hangoolnews.com
Akhri:- General Mahad Caarre Oo Ka Soo Guuray Goof Iyo Halka Uu Ku Sugan Yahay + Ergadu Ma U Tagaysaa Mise…..
July 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- General Mahad Caarre oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Milatiga Somaliland laguna eedaynayo in uu ka baxay nidaamkii ciidanimo oo maalmahii ugu dambeeyay ku sugnaa isaga iyo ciidan uu la goostayba tuulada Goof ee degmadda Ceergaabo ayaa waxaa uu ka yimid meeshii uu mudada joogay waxaanu yimid deegaanka Colaadu ka taagan tahay ee Derer-waynee degmadda Ceel-afwayn.

Lama ogo sababta rasmiga ah ee halkaasi uu u yimid .

Qaar ka mid ah Ergada oo Hangoolnews la hadlay ayaa noo sheegay in aanay jirin wali wax hadal ah oo la la bilaabay labada dhinac.

Geesta kale lama hubo in Ergadu la hadlayso Taliyahan Cadaalad darada tirsnaya iyo in ay Xukumadda sarre u daynayaa wallow uu ku soo dhawaaday Degmadda Ceel-afwayn ee Xalinta Colaadu ka socoto.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News