Hangoolnews.com
Deg Deg Akhri:- Ergadii Xukumaddu U Diraysay Ceel-Afwayn Oo U Socdaashay Deegaankaasi Iyo Culimada Ay Ka Kooban Yihiin
July 8, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Waftigii Ergada ahaa ee xukumadda Somaliland ay u diraysay deegaanka ee Ceel-afwayn ee ay dirirtu ku dhex martay beelaha Colaadu ka dhaxayso ayaa saaka ka jarmaaday magaalada Hargasya.

Waxaanay ka kooban yihiin Culimada waddanka aad looga tixgaliyo ee ay ka mid yihiin

  • Maxamuud suufi Muxumed Wasiirkii hore ee diinta iyo aw-qaafta
  • Sheekh Maxamed Cumar Dirir
  • Sheekh Maxamed Cali Gadhle
  • Sheekh Cabdilaahi Cali Jawhar iyo Culimo kale oo farabadan kuwaas oo loo xulay inay ka mid noqdaan Ergo tiradoodu gaadhayso 120 Xubnood oo loogu talo galay wax ka qabashada Beelaha Colaadu ka dhaxayso ee daga Ceel-afwayn.

Dhinaca kale waxaa iyaguna magaalada ka baxay wafti wasiiro, siyaasiyiin iyo Labeentii dalka iskugu jira oo ay ku jiraan Madaxwayne kuxigeenadii hore ee Somaliland.

Waftiga Xukumadda ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxaana ka mid ah Axmed Ismaaciil Samatar iyo masuuliyiin kale

Ujeedada waftigan ayaa ah in xal waara laga gaadho Colaadaasi.

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News