Hangoolnews.com
Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Ka Hadlay Shaqadii Laga Caydhiyey Jeneraal Gabre Wax Lala Yaabana Ku…
June 26, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Shalay ayay ahayd markii  urur goboleedka IGAD uu  shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre.

Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim oo lagu baahiyay warbaahinta Geeska Africa ayaa si rasmi ah shaqada uga joojisey jeneraalkan oo shaqadiisa ay aheyd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Generalkan ayaa si weyn Soomaalida dhexdeeda looga yaqaan, isagoo galaangal u lahaa siyaasadda Soomaaliya, una kala dabqaadi jiray hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka.

Haddaba, shaqo ka erinta sarkaalkan ayey Sahra Cabdi Axmed oo ka tirsan idaacadda Voa laanteeda afka Soomaaliga  wax ka weydiisay Prof. Cabdi Ismaciil Samatar.

Halkan ka dhageyso 

COMMENTS
Latest News