Hangoolnews.com
Xuuthiyiinta Yemen Oo Gantaal Ku Tuuray Magaalada Riyad Dalka Sacuudiga
June 25, 2018 - Written by Hangool News 1

Kooxda Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inay 2 gantaal ku rideen xalay magaalada Rayid ee caasimada Boqortooyada Sacuudiga.

Gantaalkan ayey soo rideen gantaalada difaaca ee ciidamada Cirka ee Sacuudiga, xuuthiyiinta ayaa sheegay in yoolkooda uu ahaa Wasaarada Difaaca Sacuudiga xarunteeda Riyad.

Qeybo kamid ah haraadiga gantaalada lasoo riday ayaa kusoo dhacay nawaaxiga xaafada ay ku yaalaan inta badan safaaradaha, balse ma jiraan wax khasaaro ah oo ay geysteen.
Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa xili uu meel adag marayo dagaalka ka socda magaalada saaran xeebta Yemen ee Xudeydah.

Ciidamada xulafada Sacuudiga, Imaaraatiga iyo Dowlada Yemen oo gacanta ku dhigay qeybo kamid ah xaafadaha Koonfureed ee magaaladaasi ayaa hada kusii durkaya bartamaha magaalada Xudeydaha oo ay weli ka dagaalamayaan maleeshiyaadka xuuthiyiinta.

Xuuthiyiinta iyo Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa diiday heshiis ay Qaramada Midoobay ku dooneysay inay ku xaliso dagaalka Xudeydaha, xalkaasi UN-ka soobandhigay ayaa ahaa in maamulka magaalada lagu wareejiyo guddi caalami ah.

Magaalada Xudeydah oo ay ku taal dekadda ugu weyn ee dalkaasi Yemen ayaa waxaa 12kii maalmood ee lasoo dhaafay duqeyn xoogleh ku waday diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga iyo Imaaraatiga.

COMMENTS
Latest News