Hangoolnews.com
Maamullada Soomaaliya Oo Qaaday Tallaabo Ka Dhan Ah Somaliland
June 24, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Qoraal ay ku saxeexan yihiin Shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ayaa lagu taageeray warqadda xukumadda Farmaajo deeq bixiyeyaasha caalamka kaga codsatay in la joojiyo qoondada Somaliland sida gaarka ah loogu siiyo mucaawimada caalamiga ah lana soo mariyo xukumadda Muqdisho.

 

Madaxda maamul goboleedyada ayaa beesha caalamka u sheegay in haddii qorshahaasi la sii wado ay la macno tahay in bahwadaagta Soomaaliya kaalmaysa qayb ka tahay kala qaybinta Soomaaliya iyo madax bannaanideeda waxaanay ku goodiyeen in ay ka baxayaan hannaanka mucaawimada iyaga oo ku dooday in aanay jirin sabab Somaliland looga fadilo maamul goboleedyada kale ee Soomaaliya.

Beesha caalamku waxay dhawaan ku gacan saydhay qorshaha Soomaaliya waxaanay sheegtay in ay sii wadayso hannaanka hore loogu heshiiyay ee gargaarka lagu siiyo Somaliland.

Maamullada Somalia Oo Qaaday Tallaabo Ka Dhan Ah Somaliland

COMMENTS
Latest News