Hangoolnews.com
Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Maanta Hor-tagaya Baarlamaanka Iyo Colaadda Tuke-raq Oo Uu Ka Hadlayo
June 23, 2018 - Written by Hangool News 1

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sabtida maanta ah khudbad dheer ka jeedinaya furitaanka kal-fadhiga 41 aad ee golaha wakiiladda maamulkaasi ee Puntland.

Khudbadda Cabdiweli Gaas u jeedinayo golaha wakiiladda oo ku soo beegantay wakhti xasaasi ah ayaa lagu wadaa in uu diiradda ku saaro wax-qabadkii xukuumaddiisa ee mudadii afarta bilood ee u dhexaysay kal-fadhiga saaka furmaya iyo kii ka horreeyay.
Sidoo kale arrimaha la filaayo in uu khudbada uu ku soo qaato waxa kamid ah arrimaha amaanka maamulkaasi Puntland iyo colaaddaha ka aloosan gobolka Sool oo u dhaxeeya ciidamda maamulkiisa iyo kuwa Somaliland. Madaxwayne Gaas ayaa la filayaa in ciidamda maamulkiisa ay baarlamaankaasi taageer u muujiyaan.
Dhanka kale madaxwayne Gaas ayaa u muuqda mid ku adkaysan doonno go’aanka dagaal ee ay dhawaan ku dhawaaqday xukuumaddiisu, dagaalkaasi oo la sheegay in lagu xoreynaayo deegaanno ka maqan maamulkooda.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa laga sugayaa in uu jawaab cad ka bixiyo warar maalmahan dambe soo baxay oo sheegaya in uu mudda-kororsi raadinayo.

COMMENTS
Latest News