Hangoolnews.com
Dawladda Jabuuti Oo Cambaareysay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Itoobiya
June 23, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxweynaha dowlada Jabuuti Ismaanciil Cumar Geelle ayaa cambaareeyay qaraxii ka dhacay fagaare uu ka khudbeynayay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed kaas oo maanta ka dhacay magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yidhi “weerarkaas wuxuu ahaa weerar uu fuliyay qof ka soo horjeeda midnimada Itoobiya…”

Qaraxa maanta ka dhacay fagaaraha Meskel Square ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay dad ka baday 130 ruux sida saraakiisha caafimaadka ay ku waramayaan.

Sidoo kale Weerarkaas ayaa loo qab qabtay dad looga shakiyay in ay ka dambeeyeen kuwaas ka dawarsanayay meel aan ka fogeen goobta uu qaraxa uu ka dhacay.

COMMENTS
Latest News