Hangoolnews.com
Madaxweyne Biixi Oo Warqad Luuqad Adag Ku Qoran U Diray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres
June 22, 2018 - Written by Hangool News 1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa luuqad adag ku dhalliilay xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Michael Keating. Warqad ashkato ah oo uu u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres waxa uu ku sheegay in marka la eego xiisadda Tukaraq uu Mr Keating la saftay Soomaaliya sida ku cad warqad uu Somaliland u soo diray 10 June 2018.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in uu hore si buuxda ugu aqbalay dalabka beesha Caalamka ee Mr Keating soo gaadhsiiyay oo ahaa saddex qodob oo ah in xabadda la joojiyo, in la ogolaado gargaarka bani’aadanimo iyo wada hadal laga dhex abuuro ciidamada is hor fadhiya taas oo uu u sheegay Mr Keating mar uu Hargeysa yimid.

Waxa uu Xoghaye Guterres la socodsiiyay in Somaliland 70KM u jirto xadkeeda oo ah midka 1894 oo ah xilligii gumaysiga la calaamadiyay dibna loogu cusboonaysiiyay axdiga Midawga Afrika 1964 kaas oo ah xuduudaha caalamiga ah ee Afrika ku deggan tahay.

Waxa uu sheegay in Somaliland xidhiidh suuban la leedahay xafiisyada Qaramada Midoobay ee taakuleeya Somaliland, islamarkaana uu rajaynayo in masuuliyiinta Somaliland iyo Somalia u qaabilsan UN-ta ay wada shaqayn fiican yeeshan. Waxa uu ku boorriyay in xafiisyada UN-tu noqdaan kuwo daacadnimo iyo dhexdhexaadnimo ku shaqeeya.

Madaxweyne Biixi Oo Warqad Luuqad Adag Ku Qoran U Diray Xoghaye Antonio Guterres

Madaxweyne Biixi Oo Warqad Luuqad Adag Ku Qoran U Diray Xoghaye Antonio Guterres

COMMENTS
Latest News