Hangoolnews.com
Somaliland Oo Ka Hadashay Xaaladda Tukeraq Iyo Sansaan Colaadeed Oo Halkaas Laga Dareemayo + Wararkii ugu dambeeyay
June 21, 2018 - Written by Hangool News 1

Wasiirka Wasaaradda Gashaan-Dhigga somaliland Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) ayaa ka hadlay in ciidamo ka tirsan somaliland ay u goosteen xaga ciidanka maamul goboleedka puntland,waxaana uu wasiirku warkaasi ku sheegay mid aanay waxba ka jirin oo bulshadda lagu galinayo warar been abuur ah.

Wasiirka oo Maanta Tvga Bulsho Ugu waramay magaalada hargaysa ayaa dhinaca kale sheegay in ciidanka qaranka somaliland la galiyay heegan buuxa madaama oo ciidanka puntland ay damacsan yihiin in ay mar kale weerar saddexaad ku soo qadaan ciidanka somaliland ee ku sugan jiida hore ee Deegaanka Tukaraq.

“Ciidanka Qaranka Somaliland ciidamo qabaa’ila maaha ciidamo lasoo uruurshayna maaha askari kasta oo somaliland ka mid ahi waxa u leeyahay lanbar iyo guuto uu ka tirsan yahay,anaguna waxaan halkan kaaga sheegi karaa Askari guutadii uu ka tirsanaa ka maqani wali majiro waxan hadda socdaana waa boro-bogaado waligeedba dhici jirtay oo ciidan inta dirays loo galayo la odhanayo cidaas ayay ka soo goosteen,anaguna waxaan halkan ka sheegaynaa inaanay jirin ciidan somaliland ka goostay oo meel kale ku biiray.

Intaas waxa uu ku daray.”Xaaladda Tukaraq hadda way dagan tahay oo laba jeer ayaa lasoo weeraray ciidanka somaliland waanad la socotaa dhibtii gaadhay,haddana gulufka meesha ka socda waa lala socdaa oo waxaad moodaa in dhibtii meesha ka dhacday aan wali lagu cimro qaadan,qoladan aynu jaarka nahay ee colaadda iyo dagaal iclaaminta markasta ku dhawaaqaysa waxaan leeyahay intii dhib idin gadhay ayaa idinku filane colaadda joojiyay.

Wasiirka Gashaan-dhiga somaliland ayaa gaba-gabadii sheegay in ciidanka somaliland ay galiyeen heegan buuxa oo ay kaga hortagayaan shirqoolo dagaal oo uu sheegay in ay soo maleegayso puntland,waxaana uu dhibta meeshaasi mar saddexaad ka dhacday sheegay in ay qaadayaan masuuliyadeeda cida weerarka soo qaadda.

COMMENTS
Latest News