Hangoolnews.com
Nin baaskiil ku tagey Ruushka sii uu ula kulmo Messi
June 21, 2018 - Written by Hangool News 1

Francis wuxuu BBC-da u sheegay inuu jecel yahay kaxaynta baaskiilka iyo cayaarta kubadda cagta.

Wuxuu rajaynayay markii hore inuu soo maro dalka Pakistan balse wuu ka laabtay go’aankaasi, xiriirka aan wanaagsanayn ee kala dhexeeya Hindiya darteed.

‘Cayaaraha iyo filinka’

Francis wuxuu sheegay inuu baddalay qorshihii uu ku tegi lahaa Pakistan, oo ay ku khasabtay inuu diyaarad ku yimaado magaalada Dubai sii uu halkaasi uga iibsado baaskiil qiimiihisu yahay 700 doolar sii uu ugu tego dalka Ruushka.

Wuxuu gaaray dalka Iiraan 11-kii bishii Maarso, halkaasoo uu muddo 45 cisho ah ku qaatay.

Francis wuxuu sheegay in maalin kasta uu isticmaalayay 10 doolar, dadka reer Iiraan ay si wayn usoo dhaweeyeen.

Clifin Francis wuxuu la kulmay dad badan intii uu baaskiilka kaxaynayayLahaanshaha sawirkaCLIFIN FRANCIS
Image captionClifin Francis wuxuu la kulmay dad badan intii uu baaskiilka kaxaynayay
Francis oo baaskiil ku wado dhul u dhexeeyo dalka Iiraan iyo AzerbaijanLahaanshaha sawirkaCLIFIN FRANCIS
Image captionFrancis oo baaskiil ku wado dhul u dhexeeyo dalka Iiraan iyo Azerbaijan

Francis wuxuu yiri “in baaskiil aad ku dhex waddo Iiraan way ii fududayd, sababtoo ah waa dal leh dhul qurux badan”.

Wuxuu sheegay inuu ku biiri doono taageerayaasha reer Iiraan ee Ruushka ku sugan.

” Dadka reer Iiraan waxay jecel yihiin aflaanta Bollywood, waa run in cayaaraha iyo aflaanta ay midaynayaan adduunka”

Baaskiil kaxaynta oo caato ka dhigay

Clifin Francis wuxuu baaskiil kaga baxay Iiraan wuxuuna gaaray dalka Azerbaijan halkaaso in muddo lagu haystay xadka sii loo xaqiijiyo dokumentigii uu ku safrayay.

Wuxuu yiri “Waxaan ku caatoobay baaskiilka sababtoo ah muuqaalka sawirka baasaboorkayga iima ekayn, 8 saacadood ay igu qaadatay in saraakiisha socdaalka ay ii fasaxaan in aan galo dalka Azerbaijan”

Francis oo sawir la galay qof uu la kulmay intii uu safarka ku jirayLahaanshaha sawirkaCLIFIN FRANCIS
Image captionFrancis oo sawir la galay qof uu la kulmay intii uu safarka ku jiray

Farncis ma uusan awoodin inuu iska bixiyo kharashaadka huteelada dalka Azerbaijan, balse wuxuu seexanayay dhul seere ah.

Wuxuu ku xannibmay ‘dhulka aan cidna lahayn’

Francis markii uu gaaray xadka dalka Georgia waxaa loo diiday inuu galo dalkaasi, wuxuuna go’aansaday inuu dib ugu soo laabto dalkii uu ka tagey Azerbaijan.

Maalin idil ayuu ku xayirmay dhul aan cidna lahayn oo u dhexeeyo dalalka Georgia iyo Azerbaijan.

Wuxuu raadiyay waddo kale oo gayn karta Ruushka, qof ayaana u sheegay in dalka Azerbaijan uu Ruushka xadka kala wadaago deegaan la yiraahdo Dagestan.

Degestan ayuu u ambabaxay inkastoo goobtaasi ay ka jirto ammni darro. 5-tii bishan June ayuu galay dalka Ruushka.

Clifin Francis oo dad la joogo xilligii safarka baaskiilka uu ku jirayLahaanshaha sawirkaCLIFIN FRANCIS
Image captionClifin Francis oo dad la joogo xilligii safarka baaskiilka uu ku jiray

Markii u tagey gobolka Dagestan waxaa ku adkaatay inuu la qabsado luqadda dadka halkaasi ay ku hadlaan.

Wuxuu yiri “dadka waxay la yaabeen qof Hindiya u dhashay oo baaskiil ku kaxaynaya deegaanka, waxaan isticmaalay luqad aan isaga dhigaya midda ay ku hadlaan cayaartooyda iyo dadka aflaanta jilo si aan uga qosliyo dadka Ruushka”

Francis hadda wuxuu baaskiil ku tagey magaalada Tambov oo 460 kilomitar u jirta caasimadda Moscow, 26-ka Juun ayaa lagu wadaa inuu gaaro Moscow si uu uga qayb galo cayaarta halkaasi ku dhex mari doonto Faransiiska iyo Denmark.

Wuxuu yiri “waa cayaarta kaliya ah ee aan helay tikidkii aan ku daawan lahaa”

Lionel MessiLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionLionel Messi

Francis wuxuu yiri “Waxaan taageero u ahay Kooxda Argentina iyo cayaaryahan Lionel Messi, waa riyadayda in aan la kulmo Messi oo aan ka codsado inuu astaan ku qoro baaskiilka”

Clifin Francis wuxuu sheegay in safarkiisu uu dad badan ku dhiiri gelin doono cayaaraha iyo layliga jirka.

Wuxuu yiri “waxaan doonayaa mar uun in Koobka Adduunka ay ka soo muqdaan cayaartoyda Hindiya, waxaan sidoo kale rajaynayaa in dad badan ay xiisayn doonaan baaskiil kaxaynta marka ay akhriyaan sheekadayda”

Clifin Francis oo la kulmay carruurLahaanshaha sawirkaCLIFIN FRANCIS
Image captionClifin Francis oo la kulmay carruur

Francis ayaa sheegay inuu faraxsanaan doono, waa haddii safarkiisu uu carruurta dalka Hindiya ku dhiirri geliyo inay u cayaaraan xulka qaranka.

COMMENTS
Latest News