Hangoolnews.com
Maxkamad Ku Taalla Dalka Canada 15 Sanno Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Nin Soomaali Ah
June 19, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews: Maxkamad ku taalla magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa waxa ay 15 sanno oo xadhig ah ku xukuntay muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer.

Cali Cumar Adeer ayaa waxa lagu eedeeyay gabadh wariye ah oo sannadkii 2008-dii lagu afduubay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Ninka ayaa waxa la xidhay sannadkii 2015-kaa ka dib markii dalka Canada lagu geeyay heshiis been ah oo la xidhidha buug doonayay daabacaadiisa.

Maxkamadda ayaa waxa ay sheegtay in laga jari doono wakhtigii uu xidhnaa ka dib loo soo mustaafurin doono dalka Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News