Hangoolnews.com
Wariye Maxamed Aadan Dirir Oo Maanta Dib U Heley Xorriyadiisi Ka Dib 10 Bilood Oo Uu Xidhnaa
June 18, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews: Wariye Maxamed Aadan Dirir oo in Muddo Ah Xabsiga Ku Jiray ayaa maanta dib u helay xorriyadiisa.

Maxamed Aadan Dirir ayaa ka hawli geli jiray Warbaahinta Madaxa Banaan, waxaana xabsigiisu uu ka danbeeyay ka dib markii ay dacwad u dhaxaysay iskuulka Nuuradiin ee Magaaladda Hargeysa.

Wariye Maxamed Aadan Dirir ayaa dib u heley maanta xoriyadiisi ka dib 10 bilood oo uu xidhnaa.

Soo daynta Wariye Maxamed Aadan Dirir ayaa ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu munaasibadda Ciidul Fidriga cafis u fidiyay 511 Maxbuus oo ku kala jiray jeelasha kala Duwan ee Dalka.

COMMENTS
Latest News