Hangoolnews.com
Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Halkii Ugu Liidatay Maraysa iyo Milicsiga Heerarkii ay Joogtay Wakhtiyadii Siilaanyo iyo Riyaale.
June 18, 2018 - Written by Hangool News 1

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa uu hoos u dhac wayni ku yimi tan iyo markii uu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ku guulaystay talada dalka, waxaana muuqata in guud ahaanba ay saaxaddda ka baxday hadal hayntii iyo dhaq-dhaqaaqii siyaasadda dibadda.

Madaxwayne Biixi ayaa wasiirkiisa arrimaha dibadda u magacaabay wasiir Sacad Cali Shire, waxaana tan iyo xukuumaddu jirtay la xasuustaa inuu Sacad Cali Shire ka soo muuqday warbaahinta marar badan isagoo ka hadlaya arrimo la xidhiidha maalgashiga dekedda Berbera iyo saldhiga Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, marka taas laga yimaado ma jirto dhaq-dhaqaaq kale oo la xidhiidha arrimaha khaarajiga, waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay wufuuddii caalamiga ahayd ee iska soo daba dhici jirtay, sidoo kalena illaa hadda ma jiro shir caalami ah oo lagu casuumay Somaliland, iyadoo wakhtiyadii hore ay meelo badan Somaliland ka heli jirtay martiqaadyo ka qayb qaata iib geynta qaddiyadda Somaliland.

Geesta kale siyaasadda khaarajiga ayaa la qiyaasayaa inay marayso halkii ugu liidatay marka la barbar dhigo Madaxwaynayaashii hore ee Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Siilaanyo. Tusaale ahaan Maxwayne Daahir Riyaale Kaahin oo lagu eedayn jiray inaanu xidhiidh fiican la lahayn caalamka ayaa Hargeysa ku soo dhaweeyey xoghayihii Maraykanka ee Afrika Condaleeza Rice, taasoo wakhtigaas lagu macneeyey mid ka mid ah guulaha siyaasadda dibadda lagaga gaadhay kuwooda ugu waaweyn.

Sidoo kale Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa siyaasadda dibadda gaadhsiiyey heer uu la kulmo Raysal Wasaarihii ingiriiska David Cameroon, sidoo kalena xidhiidho kala duwan ayuu la sameeyey ururada caalamiga ah ee Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo IGAD.

Ugu dambayn waxaa la sugayaa sida uu madaxwayne Biixi wax uga bedelo siyaasaddiisa Khaarajiga oo iminka ku sii socota inay soo afjarto xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka Geeska.

COMMENTS
Latest News