Hangoolnews.com
Akhirso:- Dil Naxdin Leh Oo Ka Dhacay Muqdisho
June 18, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa xalay waxaa lagu dilay sadax dhalinyaro ah kuwaasoo dhammaantood wadda dhashay.

Nin Hubaysan oo saddexdaasi nin ku dilay Muqdisho ayaa isaga baxsaday goobtii uu dilkaasi ka dhacay waxaana sidoo kale wararku sheegayaan in ay Isku hayb ahayeen ninka wax dilay.

Dadka lagu dilay Muqdisho ayaa dhammaantood ahaa rag waxaana magacyadoodu lagu sheegay Cabdullaahi Jeyte, Xasan Jeyte iyo Xuseen Jeyte oo dhammaan ahaa Walaalo wadda dhashay.

Dilkan oo ka dhacay degmada kaaraan ee gobolka Banaadir ma jirto cid qabtay gacan ku dhiiglihii marka laga yimaado in la garanayey.

COMMENTS
Latest News