Hangoolnews.com
Waddooyinka Muqdisho Oo Maanta Xidhan Iyo Dadka Shacabka Ah Oo Guryahooda Ku Ciidaya!
June 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Maanta oo ay ku beegan tahay maalintii koobaad  ee ciidul fidriga ,isla markaana shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadaha caalamka ay u dabaal degayaan ayaa haddana waxaa xidhan baddi waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkaasi Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta inta badan waxa ay xidheen waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ,iyaga oo u diidaya in ay isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo kuwa ay wataan masuuliyiinta dowladdu.

Badi shacabka Muqdisho ayaa maanta wada lugeynaya, iyada oo la arkayo waalidiin farabadan oo carruurtooda gacmaha ka heysta kuwaas oo jidadka waaweyn ee Muqdisho lugeynaya.

Qaar ka mid ah shacbka oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay dhibaato weyn tahay in manta oo ah maalinta 1aad ee ciiddu in wadooyinka laga xidho, isla markaana aysan u suurtagelin in ay booqdaan eheladooda si ay ula soo ciiddaan.

Isgoys walba waxaa atagan ciidamada dowladda kuwaas oo gaadiidka celinaya, waxana wadooyinka sidoo kale lugeynaya dad u badan carruur kuwaas oo waayeen gadiid ay raacaan ay raacaan.

Ugu danbeyntiina inkasta oo madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo uu amray in shacabka loo furo waddooyinka hase yeeshee amarka madaxwayne Farmaajo ayaan dhaqan gelin.

COMMENTS
Latest News