Hangoolnews.com
“Dagaallo & Colaad Soomaaliya Way Kasoo Daashay, Somaliland-na Nabad Bay Ku Dhaqan Tay Oo Ku Dhisantay…” Muuse Biixi Madaxwaynaha SLN
June 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u diray dhammaan ummadda islaamka ah gaar ahaan dadwaynah reer Somaliland munaasibada ciidul-fidriga.

Madaxwaynaha ayaa dadwaynaha magaalada Hargeysa kula tukaday kaddibna waxa uu halkaasi ka soo jeediye khudbad kooban, waxa uu si adag u sheegay inay nabaddu safka hore kaga jirto tiirarka ay Somaliland ku taagan tahay, islamarkaana ay qaran ahaan diyaar u tahay in wixii khilaaf ah ee dhexdeeda jira ay dhammaysato, waxaana uu yidhi, “Colaad iyo tafaraaruq midna kuma jirno, geyigan geeska Afrika-na maanta colaad uma baahna, dagaallo iyo colaad Soomaaliyi way kasoo daashay, Somaliland-na nabad bay ku dhaqan tay oo ku dhisantay, deriskeedana nabad bay ugu baaqaysaa, gudaheedana wixii khilaaf ah ee jira nabad bay ku dhammaysanaysaa.”

                              Halkan kaawo muuqaalka 

COMMENTS
Latest News