Hangoolnews.com
Shirkadda HEMA BOOKS Waxay Bulshada Reer Somaliland Iyo Ummadda Islaamkaba Ku Hambalyaynayaan Munaasibadda Ciidul-Fidriga
June 14, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Shirkadda daabacada casriga ah ee Hema Books waxay halkan hambalyo uga diraysaa dhammaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunnida ka joogaan munaasibadda ciidul-fidriga awgeed.

Maamulka iyo shaqaalaha shirkadda Hema Books dhammaantood waxay leeyihiin ciid mubaarik ummadda islaamka ah gaar ahaan ummadda reer Somaliland waxaanay u soo rajaynayaan caafimaad qab, nabad qab, iyo barwaaqo in uu Alle ciiddan ciiddeeda ku gaadhsiiyo.

Shirkadda Hema waxay si gaar ah hambalyo farxaddeed u diraysaa dhammaan ardayda reer Somaliland meel walba oo ay joogaan iyo waalidkooda waxaanay leeyihiin ciiddan ciiddeeda ku gaadha nabad qab iyo wanaag. Sidoo kale shirkadda Hema Books waxay guul iyo farxad u soo rajeynaysaa ardayda reer Somaliland ee dhawaan u fadhiisan doona imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo sarre.
Ugu danbeyntiina waxay Alle ka baryayaan shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Hema Books in acmaashii kheyrka lahady ee bisha barakeysan uu Alle inoo aqbalo.

COMMENTS
Latest News