Hangoolnews.com
Magaalada Garoowe Oo Laga Wado Nabadaynta Somaliland & Puntland
June 14, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Culimo awdiin reer Puntland ah ayaa isku xilqaamay in ay waanwaan ka dhex bilaaban Somaliland iyo Puntland, islamarkaana dhanka Puntland ka helaan kalsoonida ay ku geli karaan hannaan lagu wada hadashiin karo labada dhinac sida ay baahisay warbaahinta Garoowe Online.

Culimada ayaa xalay kulan la qaatay waxgarad reer Puntland ah oo shir ku lahaa magaalada Garoowe waxaanay u sheegeen in ay culimada iyo ganacsatada Somaliland ka haystaan kalsooni ah in xiisadda Tukaraq lagu dhammeeyo wada hadal taasna uu ogol yahay madaxweyne Muuse Biixi laakiin, ay maamulka Puntland ka doonayaan ogolaanshaha in arrinta wada hadal lagu dhammeeyo.

Waxgaradka ayaa la sheegay in aanay wax go’aan ah siin culimada laakiin, ay u ballanqaadeen in ay war ku soo celin doonan marka ay ula talo badsadaan xukumadda Garoowe.

Arrintan ayaa imanaysa xilli maamulka Puntland si joogta ah u iclaaminayo dagaal kana soo horjeedo baaqyada nabadeed ee Somaliland iyo dadaallada beesha caalamka.

Source: Garoowe Online.

COMMENTS
Latest News