Hangoolnews.com
Sunniyaha Raysal Wasaaraha Kanada Oo Si Weyn Dunnida Looga Hadalhayo
June 13, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Saddex war ayaa maanta dunnida si aad ah loo hadalhayaa, kan koowaad ayaa ah khilaafka cusub ee Yurub iyo Mareykanka, kan Labaad kullanka taariikhiga ah ee shalay dhex maray  madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un, kan saddexaadna waa sunniyaha raysal wasaaraha Kanada Justin Trudeau oo ka dhacay xilli uu shir jaraa’id ku jiray!.

Sunniyaha oo u muuqda in ay yihiin kuwo macmal ah ayaa ka fuqay booskii ay ku dhaganaayeen, xilli uu shir jaraa’id la qabanayay raysul wasaaruhu madaxweynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron, wejigiisu wuu iska bedelay sidii hore loogu yaqaannay, waana sida uu caddeynayo muuqaalka laga duubay raysul wasaaraha oo la arkayo sunniyaha oo dhinac ka soo laalaada, sababta uu arki waayay, waxaa lagu fasiray sunniyaha oo ka sarreeya indhaha, markii ay ka soo dhaceenna waxa uu noqday qof kale oo wejigiisii wuu isbedelay sidii in uu qof kale yahay oo kale.

Dhanka kale dadka raysul wasaaraha difaacaya ayaa waxay soo galiyeen internetka muuqaal laga soo duubay camera kale oo sunniyaha si caadi ah ay u muuqdaan, waxayna ku doodayaan in muuqaalka la khalday oo si aan wanaagsaneyn loo isticmaalay.

 

COMMENTS
Latest News