Hangoolnews.com
Israel Oo shirkadda Twitterka Ku Eedaysay In Ay Taageerto Ururada Argagixisada Haddii…
June 13, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Wasiirka ammaanka gudaha Israel Gilad Erdan ayaa twitter ugu hanjabay in ay la tiigsan doonaan maxkamad, haddii la xidhi waayo xisaabaadka barta uga furan, Xammaas, Jihaad al-Islami iyo Xisbullaahiga dalka Lubnaan.

Janalka toddobaad ee Israel ayaa salaasadii  June 12  , oo wasiirka soo xiganaya ayaa sheegay in Twitter uu taageero kooxaha argagixisada ah, maadama aanuu xidheyn xisaabta barta uga furan ururrada islaamiga ah ee  Xammaas, Jihaad al-Islami iyo Xisbullaahiga dalka Lubnaan.

Maamulaha guud ee Twitter Jack Dorsey iyo madaxa golaha maamulka shirkadda Omid Kordestani ayuu ugu baaqay wasiirku in ay xidhaan xisaabaadka barta twitter-ka uga furan Xammaas, Jihaad al-Islami iyo Xisbullaahiga dalka Lubnaan. Maamulka twitter ayaa horey ugu gacan saydhay dalab kan la mid ahaa oo Israel ay horey ugu jeedisay.

Janalkan Todobaad ee Israel ayaa waxa uu sheegay sidoo kale, in Salaasadii  ay magaalada Qudus ku ballansanaayeen 20 wasiir ammaanka gudaha ah, waxayna ka wada hadlayaan muhiimadda ay baraha-bulshadu leeyihiin iyo saameyntooda adduunka oo dhan.

COMMENTS
Latest News