Hangoolnews.com
Heshiis xabad joojin ah oo ka dhaqangalay Afqanistaan
June 12, 2018 - Written by Hangool News 1

Xabad joojin socon doonta muddo toddobaad ah taasi oo u dhaxaysa dowladda Afqanistaan iyo ururka Daliban ayaa ka dhaqangashay dalkaasi.

Madaxwayne Ashraf Ghani ayaa ku amray dhammaan ciidamada ammaanka oo ay ka mid yihiin militariga in ay joojiyaan howlgada ka dhanka ah dagaaalyahanada Taliban.

Dowladda Afqaanistaan ayaa sheegtay in xabad joojinta aysan ku darayn oo aysan qayb ka ahayn kooxaha IS iyo Al-qaacida.

Kooxda Taliban ayaa dhankooda sheegay in ay u hogaansamayaan xabad joojinta oo soconaysa saddex maalmood oo ah inta lagu guda jiro Ciidul Fidriga.

Balse ciidamada ajaanibta ee ku sugan Afqanistan ayaan qayb a ahayn heshiiskan.

Wariyaha BBC ee Kabul ayaa ku waramaya in heshiiskani xabadjoojinta ay tahay tallaabo yar oo loo qaaday sidii nabad waarta dalkaasi looga islaaxin lahaa.

Dowladda Afqanistaan ayaa muddo dheer dagaal kula jirtay dagaalyahanada Taliban.

COMMENTS
Latest News