Hangoolnews.com
Madaxweyne Qoladii Putland Qayladii Baa Ka Dhamaataye Duco Maad Qaadan Oo Maad Inaga Dayn.
June 6, 2018 - Written by Hangool News 1

Madaxweyne marka hore siyaasadaada iyo ta xukuumadaadu yaanay u sanqadhin sidii Rasaas dhacaysa Oo laga wada dido laakiin ha Ahaato Rasaas dhacaysa Oo bilaa sanqadha Oo ku dhacda cadawga somaliland iyadoon la dareemin.

Madaxweyne siyaasada xukuumadaadu waa inay noqoto mid wax soo jiidata Oo dagaalada qabaa-ilka xalisa Oo beelaha  cabanaya cabashadooda tixgalisa Oo dhamaysa wixii ay xaq u leeyiin, Madaxweyne xukuumadaadu waa inay ku xisaabtanto sidii ay u sugi lahayd xuduudaha somaliland si bilaa sanqadha Oo Aanu dhiig ku daadan.

Madaxweyne  qolada reer-butland  iyo  soomaaliya  waxay  ka xanaaqeen  Hadalkii  kaa soo yeedhay  Ee  Aad Ku tidhi Aabihiin  Oo Afweyne ahaa baanu jabinay  idinka Oo  ciyaalkisii Ahina waxba  sheegi maysaan.

Madaxweyne Waa la og yahay cida jabisay  dawladii  Siyaad Bare laakiin ha ku cadaynin ileen ciyaalkiisii baa xanaaqaaya Oo waliba  Aynu qaar ka mida sasabayno.

Madaxweyne  siyaasada inaga  macaanee  Dagaalka xabada ahna yarayso  dagaalka bilaa xabada ah Ee siyaasadaysana  badso  Ee dalka iyo dadkaba Anfacaya  cidii cabanaysana hala qanciyo.

Dumarkan sabaayada dubayana hala joojiyo buun buuninta dagaalka iyo hambalyadiisana  hala joojiyo  dad kana latasho Anigaygaa  miskiinka ahna ha ahaate qof Aanay talo kujirini majiro taladana adigaa ubaahane iyadu kuuma baahna.

asankaruur55@gmail.com

W/Q: Xasan Karuur

 

COMMENTS
Latest News