Hangoolnews.com
Xukuumada Kulmiye Ha Kala Deyso Taag Isticmaal Ah Ayaanu Dekeda U Sooiibinay Iyo DPW Ayaa Maalgelinaysa
June 3, 2018 - Written by Hangool News 1

Cilmi baadhis qoto dheer oo lagu lafo guray Heshiisyadii ay shirkada DPW la gashay Dekedaha kala duwan ee mandaqada dhaca sida  Dekeda Jabouti ee Daaroole, Dekeda Cadan, Dekeda Sinigaal, Dekeda Lubnaan iyo Dekeda maleesiya , Dekedahaas oo dhamaan wada ah Dekedihii ay Shirkada imaaraatiga ee DPW ku fashilantay maamulidoodii iyo maareyntoodiiba,  baadhitaankan dheer ee lagu sameeyey heshiisyadaas waxaa  ka soo baxay in qodobadan hoose  ay Dekeda Berberi danbarsandoonto mustaqbalka :

1- Shirkada DPW iyada oo ka faa’ideysanaysa markastaba ictiraaf la’aanta Somaliland iyo goldaloolada xeerarkii baleysinka u ahaa heshiiskii ay  Somaliland wada galeen, waxay heshiiskii ka dhigtay heshiis wejiyo badan oo  isbedbedela oo male’awaal ah oo ka sii liita dhinac kastaba heshiisyadii  shirkada DPW  la

gashay Dekedaha sare ku taxan ee ay shirkadu hore ugu fashilantay. Waxaana kaaga markhaatiya Xaalada Dekeda Berberi ay maanta ku sugan tahay iyo Taaga yar ee isticmaalka ah ( second hand ) ee Dekeda looga soo farsameeyey Dawlada Turkiga dhawaan.

2- Waxaa hoosta laga xariiqay in ay Shirkada DPW ay Dekeda Berbera ka dhiganayso Foodsaaro ama boos celis  aan horumar ku talaabsan ee ahaata uun goob heeryada ka nasisa Dekedooda weyn ee Jabal Ali si kontaynarada madhan loogu kala wareejiyo aqabka bagaashata iyo raashinkana loogala soo dego sidii caadiga aheyd.
3-  Waxaa la isku raacay in Dekeda Berberi ay dawlada imaraatiga u noqon doonto Saldhig Milateri oo balaadhan oo ay ku ilaashadaan gacanka Cadmeed, Maraakiibtooda Shidaalka qaada, Dekedahooda , Amnigooda iyo dhaq dhaqaaqa melatarigooda iyo ilahooda dhaqaale ee ku xayndaaban gacanka cadmeed.
4- In ay Dekeda Berberi imaaraatiga u noqoto xarun ama ( Head office )  ay ku ilaashato heshiisyadeeda tirada badan ee milateri, ee ganacsi ee maalgelineed ee ay la galeen imaaraatigu Dawaladaha Eithopia, south Suudaan iyo dawlado kale oo mandaqada ku yaala.
5- In ay Shirkada DPW Dekeda Berbera ka xanibto Maraakiibta waaweyn ee shixnadaha culus qaada iyo dhamaan Shirkadaha waaweyn ee caqabada ku noqon kara ganacsigooda maxaliga ah  iyo Dekedahooda waa weyn ee Jabal ali ugu horeyso.
6- In ay Dekeda Berberi ay ka hadho oo ku hagaasto loolanka cusub ee ka bilaabmay dhamaan Dekedaha Geeska Africa ee dhaca marin biyoodka mashquulka ah ee gacanka cadmeed.
7- Maadaama Dekeda Berberi ay muhiimad qaali ah ku yeelatay dagaalka ka socda Yemen, In Dekeda Berbera ay ka ag dhistaan Saldhig milateri oo beriga ah iyo Saldhig badeed balaadhan si ay  ugu fushadaan Siyaasadooda Milateriyeysan ee ku saleysan “Aan xukumo ama  kula lihi oo kaa lihi “
8- Hadii Mashruuca DPW uu run sheeg yahay  waxay DPW Dekeda Berbera maamulaysay 18 bilood oo lacagta Dekeda ka soo xaroota ay guranaysay , Su’aasha lays waydiiyey waxay tahay maxay Taaga yar ee daxaleystay ee jiidista maraakiibta la ciir ciiraya ee quwadiisu tahay 1400 Horse power ay uga bedeli wayday Dekeda ?
9- Haddii Heshiiska DPW uu yahay heshiis xalaal ah waxay shirkada DPW Dekeda Berbera keeni laheyd Dab-demis badeed yar ( Syma Boat ) Waxaana ay keeni laheyd Taag casri ah. Shirkada DPW waxay lacagta Dekeda guranaysaa sanad iyo badh taas oo  aan wax muuqda dekeda iyo dalkaba ka qaban ilaa hada.
Shirkada DPWorld  waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la gasho waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada Dekedaha iyada oo isticmaalaysa mar kasta gacan wadaag, xaqul qalin iyo laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayso sida ay Jabouti ku samaysay, Cadan ku sameysay, Lubnaan ku sameysay ee USA lagaga caydhiyey taas oo hadana ay dhiilasheedii carta lahaa u soo culatay si ay heshiis madhaleys ah Somaliland oo aan la ictiraafin ugu khiyaameyso.
Boowe ! Meeday lacagtii $240 Million aheyd ee ay ku balan qaaday DPW  in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable ( Berbera Corridor ) oo ay ku leedahay waxaan awoodaa hada $80 million dollar oo keliya?  Bal ka warama iyada oo aan fulin balan qaadkii heshiiskii ay hore Somaliland ula gashay 9/8/16 ee ay tidhi  sanad gudahood ayaanu ku dhisaynaa  Dekedii 400m  ah, ku dhisaynaa oo ku qalabeynaynaa kuna dayac tiraynaa  Dekedii hore iyo Freezone oo waxaanu isna idiin dhisaynaa Airportkii madaniga ahaa ? ayey  cidla inaga heleen oo iska dhisteen Dekad Ciidan iyo  Saldhig Ciidan taas oo xaqul qalinkii yaraa ee la dhaafsadayna meel uu maray la waayey !
Waxay si toos ah lacagtii Dekeda ugu bedeshaan Doollar taas oo ay toos dalkooda ugu shubanayeen 18 kii bilood ee la soo dhaafay taasni waxay dalkeena iyo dadkeena u keentay Sicir barbar baahsan iyo dhaqaale xumo malaasan. ilaa iyo hadana waxaa laga baryayaa shirkada DPW in ay xisaab xidhkii sanadkii hore keenaan oo ay u soo gudbiyaan wasaarada Maaliyada si loo naaqisho faa’idada ay labo listeen iyo khasaaraha inoo huursan ee ay qalinka iyo laaluushka inagu khiyaameeyeen.
Muwaadin!  ma ogtahay in sanadihii 1981 ilaa 1991 Shirkadii USA ee NASA ay Airporka  Berbera oo keliya oo Saldhig Ciidan u ahaan oo weliba Dayaaradaha madaniga ahi la isticmaalijireen ay ku kireysteen  Mareykanku lacag dhan $40 Million oo dollar sanadkiiba maantana DPWorld   waxay ubadheedheen in ay faro guudkood iyo xaqul qalin yar inaga dhaafsadaan Saldhig Ciidan oo  20 km2 iyo Dekad Ciidan oo Dhererkeedu yahay 40km2. waxaana ay ubadheedheen in ay weliba sheerkoodii Dekeda ay qayb Ethiopia ka sii iibiyaan oo hantidii ma guurtada aheyd ee Somaliland ay iyagii sii dilaalaan.
Muwaadin ! Ma ogtahay in Saldhiga  yar ee Mareykanku ku leeyahay Jabouti uu ku kiraysan yahay $58 million dollar sanadkiiba, Saldhiga yar ee Fransiisku ku leeyahay Jabouti kiradiisu tahay 30 Million oo yuro sanadkiiba,
Saldhiga yar ee 3km ah ee China ku leedahay dalka Jabouti kiradiisu tahay  $20 million dollar sanadkiiba. Saldhiga yar oo 1 mile ah oo dawlada Jabanku ku leedahay Jabouti kiradiisu tahay $ 4-Million sanadkii.  Hadaba Su’aasha qarnigu waxay tahay maxaynu dhaafsanay Saldhiga ciidamada ee balaadhan ee berbera laga siiyey Imaaraatiga ee dhererkiisu yahay 20 km2  iyo Saldhiga Bada oo isna dhan 40 km2 – qiime intee leeg ayey Somaliland kaga Kireeyeen dawlada imaraatiga ?  Mise xaalku waa aan ka fudee allow fii haa !!
Gunaanad: Waa in nuxurka dhabta ah ee Heshiiska sedexgeesoodka ah iyo heshiiskii dhabta ahaa ee Saldhiga Berbera  Baarlamaanka la hor keenaa si ay uga doodaan una naaqishaan faa’idada iyo khasaaraha uu heshiisku u leeyahay Qaranka Somaliland. waana lama huraan in caadka iyo ciirada qarsoon ummadda looga qaado mashaariicdii Horumarineed  ee carabka ummadda loogu cel-celiyey ee lagu canqarinaayey mudada dheer ee aan la garaneyn goorta ay shirkada DPW bilaabayaan iyo goobta ay ka bilaabmayaan.
Xigasho :  – Majalaha ” Wall street Journal
                  – Majalaha caanka ah ee Jeune Frique ee afka faransiiska ku soo baxa
                  – Hayada Xasarada Aduunka ee Fadhigeedu yahay Brussels.

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
Londonm

 

COMMENTS
Latest News