Hangoolnews.com
Ku Naso Xadiiskan Nagiba Laga Soo Wariyey(NNK).
June 3, 2018 - Written by Hangool News 1

Abaahureyra ayaa laga soo wariyey(Ilaahay raali haka ahaadee),in uu yidhi: waxaan Rasuulka ilaahay(NNK),ku idhi: Dadka maxaa laga abuuray? Waxa uu yidhi: Biyo.Waxaan hadana idhi, Janadana maxaa laga sameeyey?waxa uu yidhi: Laban fiddo ah,iyo laban Dahab ah. Waxa la iskugu sibidheeyeyna waa..geedka cadarka laga sameeyo ee la yidhaahdo(Miskul-Adaafir),Quruuruxeeduna waa macdanta,(Lu’lu a iyo Yaaquutka)!!,Carradeeduna waa (Sacfaraan).Dadka galaa way ku dhex barwaaqoobayaan oo kuma dhex daranyoon doonaan,way ku waarayaan oo kama dhamina doonaan. Dharkooduna kama baaliyoobaanyo,Dhallinyarnimadooduna ma dhammaaneyso.isaga oo Rasuulku(NNK),hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: Seddex Baryadooda ..lama Celiyo;  Madaxweyne ama hogaamiye Caddalad ku dhaqa dadka uu maamulaayo,Qofka Soomani marka uu afuraayo,iyo qofka la dulmaayo,ilaahay samada ayuu kor ugu qaadaa,waxana uu

yidhaahdaa….Waan kuu hiilin doonaa,muddo ba, ha ka soo wareegtee!!!.

(Xadiiskan waxa soo saaray …Tarmiidi.)

 

Xadiiskan waxa aynu kala dhex baxaynaa…..arrimahan:

In dadka biyo laga abuuray.

In janada dahab iyo fiddo laga sameeyey.

In carada iyo quruuraxa janadu udug ka sameysan yihiin.

In dadku janada ku waarayaan…oo ay ku nimcaysan yihiin oo wax ka dhiman  jirin.

In ayna jirin waxa dhimasho la yidhaahdaa..

In dhallinyar waligood ahaanayaan dadka janada galaa.

In Madaxweynaha dadka caddaladda ku dhaqa ducadiisu tahay maqbuula.

In qofka sooman ducadiisu tahay maqbuula oon dib loo celineyn.

In ilaahay u hiilinaayo qofka la dulmay ama la  dulmaayo…xataa mudaba ha ka soo wareegtee.

 

Waa xadiis ay ku dhex jiraan faa’iidooyin iyo waxyaabo badan oo lagu farxo…ilaahay khayrka ha inna waa fajiyo..Soonkana ha inoo dhammeystiro…khayrka iyo dambi dhaafka bishan barakeysanna ha inna siiyo!!!Amiin.

 

 

Qore: C.casiis Maxamed yoonis(ansaari).

Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan school for English!

Hargeysa.Somaliland.

Email: aragtiwanaagsan@gmail.com

Tell: 063 4175733.

 

COMMENTS
Latest News