Hangoolnews.com
SODDON Gu’ KA HOR IYO XASUUSTEED (31 May 1988) WQ: Axmed Ibraahin Cawaale
June 1, 2018 - Written by Hangool News 1

Toddobadii fiidnimo ayay ahayd. Dhabarka ama duddada guri aan ku lahaan jiray xaafadda Baar-Waraabe ee Niyuu Hargeysa. Waxa I weheliyay Prof. Faarax Barre Shire oo hadda Jaamacadda Hargeysa cashar-jeediye ka ah. Labadayada guri waa is xigeen. Waxa ay ahayd 31kii May 1988, habeen salaasa oo ay Arbaci soo gelayso, dayaxuna 14aad ahaa. Labadayaduba hilaaddii laba gu’ ka hor waxa aannu ka soo laabannay dalka Sucuudi Carabiya oo aannu ammin kasoo xoogsanaynnay. Labadayduba waxa aannu xidhnayd qamiisyo. Culimo maanaan ahayn e, waxa se uun buu ahaa dhaqankii aannu dalkaas kala soo noqonnay. In yar ka hor waxa aannu dhammaysannay salaaddii fiidnimo (maqrib). Weli maankayga waxa ku sii jirtay duco-dhaqameed Af Soomaali ah oo uu oday Diiriye la odhan jiray (EHUN), oo aannu deris ahayn nagu tujiyay gego bannaan oo gurigayga ka dambaysa. Saddex bilood salaad Maqrib masaajid kumaannu tukan. Bannaankaas ayaa mawlac noo ahaa. Magalada waxa ka jirtay bandoo. Dadka sida xoolaha ayaa salaadda casar dabadeed lagu sandullayn jiray in ay guryahooda ku xeroodaan. Qof kastaaba waa garan karaa in uu habeen dheeri ka dambeeyo, una baahan yahay in uu bannaanka guriga yar socsocdo.

Shan cisho ka hor, 27kii Mey, ciidankii Dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyed ee ku caan baxay SNM ayaa magaalada Burco galay, gacantana ku dhigay. Dadka magaalada Hargeysa ku nooli si la mid ah waa ay filanayeen in ciidankii SNM soo geli doono, maalin aan durugsanayn. Waxana hubaal ahayd in ay raagsanayeen – saansaankii ka jiray dalka iyo wixii dadka la baday awgeed.
Dareenka taliskii markaas Gobollada Waqooyi ka talinayay aad ayuu u gig tirmay. Si ay ku baajiyaan weerar Hargeysa lagu soo qaadana wax Alle wixii ay awoodayeen waxa ay ka sameeyeen diyaar-garowgeedii. Ciidan ayaa habeen oo dhan magaalada dhex gaaf wareegi jiray. Dadka tuhun iyo tuhun la’aanba waa lagu jiray.
Ugu dambayn, sidii aannu meeshii u taagnayn (Prof. Faarax Barre iyo anigu) ayaa uu gariir iyo hillaac ka dhashay qaraxyo nooga baxeen meel Hargeysa kaga beegan koonfur. Dayaankaas iyo iftiinka qaraxyadaasi kolba waa ay soo dhawaanayeen. Mar qudha, annagoo indhahayga iyo laabahaba kala soconna weerarka xooggan ee ku soo fool leh Hargeysa, ayaa waxa dhabarkayaga isasoo taagay afar nin oo ciidan ah oo ka kala tirsanaa Xogga Dalka Soomaliyeed, Daraawiishta, Booliska iyo Guulwadeyaasha. Kii Guulwadaha ahaa ayaa isaga oo na hiifaya cod dheer ku yidhi:
“Xunyow xunku dhalay, sow ma tihidin “Qudhmistii” dharcadda ahayd? Waannu ognahay in aydin meesha miino ku aasayseen!”
Markaas baan u celiyay: “Waar bal Shaydaanka iska naar. Miyaanad arkayn in aannu mawlacan yar uun wax yar ka hor ka kacnay. Waad u garaabi kartiin, qof casarkii guriga ku soo xerooday, oo habeen dheeri sugayo, in uu waxoogaa jimicsi ah u baahan yahay.”
Mid kale ayaa yidhi: “Haddaa maxaydin koonfur ka eegaysaan? Miyaanay u ekayn in aad hoosta ka leedihiin “Ha beenaan! Ha beenaan! Waar soo kaxeeya!”
Waxa ay na fareen in aannu hor gallo. Durbadii xaafadihii ayaa laga soo wada baxay. Se qof juuq odhan karaa ma jiro. Suryooyin geedka tiinku ka baxo ayay na sii dhex mariyeen. Cabsida iyo qalalaasaha magaalada ku soo fool leh ayaa ka dhigayay dareenkooda in ay intii badnayd aamus ku sugnaadaan. Jabaqda kabahooda “qadha” ah ayuun baa markii ay darsameeyn iila muuqday muusig dhiillo xambaarsan. Markaasna tiraabtayadii aannu ugu faahfaahin rabnay in aanaan wax dhibaato ah ku foogganayn waxa ay inta badan ku dhacaysay meel madhan.
Markii dambe ayaa midkii ka tirsanaa ciidanka Daraawiishtu yidhi: “Waar innaga siidaaya! Kuwani waa wadaaddo e! War noqda, oo ha leexleexannina!”
Odhaahda ninkaasi yaab ma lahayn. Maxaa yeelay, xilligaasi waxa ay ahayd ka hor intii aanu wadaadku qoriga qaadan ama aragtidii hore ee ragga loogu kala qaybin jiray “wadaad” iyo “waranle.”
Dad badan oo habeenkaas la qabqabtay, oo ay ku jireen 3 qof oo xaafaddaas aan ku jiray degganaa, dib looma arag meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

COMMENTS
Latest News