Hangoolnews.com
Muwaaddiniin Taallo U Samaynaysa Halgamaaggii Waynaa Ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
May 31, 2018 - Written by Hangool News 1

Qorshaha muwaadiniintan iskood isu xilka saaray ayaa lagu wadaa in uu u hirgalo oo loo fuliayo si dhaqso ah. Waxa ay baaq u direen madaxda dowlada Somaliland ee uu ugu horeeyo madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi in ay gacan ku siiyaan hirgalinta mashruucan

Dhismaha taaladan ayaa la sheegay in laga dhisi doono magaalada Hargeisa waxana uu warku intaasi ku daray in ay laban aqionyahan ay haatanba ku gada jiraan meelmarinta mashruucan oo dadbadana soo jiitay

Ujeedada Taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee magaalada Hargeysa ayey ku sheegeen si loogu  cadeeyo bulshada Somalida ah meel kasta ha joogeene in aan nacayb

iyo cunsuriyadi ka jirin Somaliland islamarkaana ay sharaf iyo karaamo u hayaan halyeyadii iyo halgamayaashii qarankan Somaliland ee uu Sayid Maxamed Cabdule Xasan ka midka ahaa iyagoo ku sheegay in Sayidku uu ahaa halgamaa reer Somaliland ah sidaasi darteena ay waxba kama jiraan yihiin wararka beenta ah ee warbaahinta qaar lagu faafinayo ee dadka lagu majara habaabinayo loona tusayo umada in Somaliland ay cid gaar ahi leedahay.

COMMENTS
Latest News