Hangoolnews.com
Maxaa Ka Mid Ah Cunooyinka Ugu Wanaagsan Ee Lagu Af-furo? W/Q Prof Maxamuud Xeef (BMedsci,MPH-Nutrition)
May 31, 2018 - Written by Hangool News 1

ramadaan Kareem, Waxaynu is dultaagi doonaa cuntooyinka ugu wanaagsan markay noqoto xaga qofka sooman ee markaas taagan xilligii af-furada iyo dhawr cunto oo u faa’idooyin u leh.

Khudaarta La Miiray

Sida laga soo xigtay khubarada aqoonta durugsan u leh cilmiga cuntada iyo isu dheelitirkooda, khudaarta la miiray waxa ku jirta sonkorta “Glucose” oo u wanaagsan, qofka sooman taas oo dib u soo celin karta hoos u dhicii ku yimi intii u soomanaa sonkortiisa.

Timirta

Waa midho qalalan oo macaan isla markaasna qani ku ah sonkor iyo macdano badan oo ay ka mid tahay potassium oo si dhakso ah

soo kabasho ugu ah qofka sooman, waxaana mihiim ah in qofku uu ku dadaalo isticmaalka midhaha timirta.

Biyaha

Jidhka oo biyihu ku yaraadaan waxay keentaa fuuq bax tan ayaana qofka sooman kaga adag gaajada uu dareemayo oo haraadku waa uu uga nugul yahay qofku inuu u adkaysto marka gaajada loo eego, sidaas oo ay tahay waa in qofku uu biyaha aad u cabo ka dib afurta inta uu awoodo.

Maraqa Diiran

In qofku uu isticmaalo dareere faa’ido u ah jidhkiisa waa lagama maarmaan sidaas darted isku day inaad cabto dareere kala duwan sida maraq diiran oo kale.

Midhaha la cuno

Ha ilaawin isticmaalka ama cunida midha sidooda loo cuno, waayo waxa ku jirta macdano fara badan oo aad u baahan tahay iyo welibana vitamins waxtar kuu leh.

mohamoud.heef@gmail.com

COMMENTS
Latest News