Hangoolnews.com
Everton oo aad ugu dhaw inay tababaraheeda u magacawdo Marco Silva
May 30, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnewns:- Kooxda Everton ayaa aad ugu dhaw inay tababaraheeda u magacawdo Marco Silva, wararka qaar na waxaa ay sheegayaan in todobaadkanba la shaacin doono.

40 jirkan u dhashay Bortaqiiska ayaa waxaan aad u doonayo milkiilaha Everton, Farhad Moshiri. Sam Allardyce oo lix bilood tababare u ahaa kooxdaasi ayaa xilka laga qaaday dhammaadkii xilli ciyaareedka tegay.

Dhanka kale kooxda Manchester United ayaa xoogga saaraysaa sidii ay ula soo wareegi lahayd daafaca da’da yar ee Porto, Diogo Dalot.

Dalot, oo 19 jir ah ayaa waxaa lagu doonayaa 17.4 milyan oo Gini, tababare Jose Mourinho-na waxa uu rumaysan yahay inuu waxbadan u tari karo difaaca kooxdiisa, oo uu xataa booska ku cariirin karo kabtankiisa Antonio Valencia.

Sidoo kale wararka kale ee ciyaarha na waxaa kamid ah madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska, Martin Glenn, ayaa sheegay in iibinta garoonka caanka ah ee Wembley ay isbedel ballaaran oo horumar ah ku samayn doonto ciyaaraha dalkaasi.

Glenn ayaa sheegay in qorshaha garoonkaasu looga iibinayo ganacsadaha Shahid Khan aan loo arkin mid khiyaana ah ee loo arko fursad muhiim ah.

COMMENTS
Latest News