Hangoolnews.com
Maxamed Salaax oo la saaray raajo “Sawirka Jidhka”
May 27, 2018 - Written by Hangool News 1

Ciyaaryahanka caanka ah Maxamed Salaax ee u safta kooxda Liverpool, kaas oo xalay garabka si xun uga dhaawacmay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee dhexmartay kooxdiisa iyo Real Madrid ayaa ku jira isbitaal, waxaana la saarayaa raajo “sawirka jidhka”

Maamulaha kooxda Jurgen Klopp ayaa yiri “Dhaawaca waa mid aad u daran”.

Salaax ayaa waxaa hardi ay foodda is dareen hormuudka kooxda Real Madrid , iyada oo marka ay dhulka iskula dhaceen ay gacanta u hoos martay.

Xiriirka kubbadda cagta ee Masar ayaa sheegay in ay rajaynayaan in Maxamed Salaax ay u suurtogali doonto in uu u safto xulka dalkiisa, kana qeybgalo koobka adduunka.

44 gool ayuu u dhaliyay kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan, isaga oo ku horeeyay xagga gool dhalinta xilliga.

9 jeer ayuu sameeyay isku day uu ku dhalinayo gool, balse uma aysan suurtoobin.

Sanadkii hore ayay Liverpool lasoo wareegtay Salaax, iyada oo kula soo wareegtay lacag dhan £34m

COMMENTS
Latest News